Warsanmag-Muran kama taagna in beesha Samaroon ay shir qabsan karaan wakhti kasta iyo
goob kastata oo door bidaan sida beelaha Kale ee somaliyeed.Cidkasatoo oo cudur
daar u samaysaa inaanu Samaroon qabsan karin shir ay ayaahooda kaga tashanaayan
waxay u egtahay inay gafasanyihiin.
Hadaba shir kastoo lagu baaqo iskama yimaado ee duruufo iyo sababo laga maarmi
waayey ayaa keena. sidaa awgeed Shirkan Minesotana ee Samaroon loogu baaqayna
waxa keenay duruufo khasab ka dhigigay in la qabto.
Maaha shirkii ugu horeeyey ee qurbo joogga Samaroon qabsadaan oo loogu talo
galo in siyaasad lagaga hadlo.waxa ka horeyey shirkii Ottawa ee la qabtay ka
hor shirkii Carta ee Somaliweyn.Shirkaas Ottaw ayaa inoogu dambeeyey shir Samaroon
Siyaasad kaga hadlo.Wixii shirkaas ka dambeeyey waxa moodaysay inuu Gadabuursi
aad iska ilaaniyey in shir siyaasadeed la qabto.Sabatuna waxay ahayd shirkaas
Ottawa oo si weyn loogu kala qeybsamay oo Samaroon Waxgaradkiisii u kala qeybsamay
labo kooxood oo ukala safan Somaliweyn iyo S/Land kuwasoo isku mariwaayey afkaarii
ay kala aminsanayan.Wixii shirkaas ka dambeeyey koox wliba waxay ku adkasanaysay
mowqifkooda.
Waxa laba sano ka hor la qabtay shirkii lagu dhisay ARDAA kasoo meesha laga
saaray in laga hadlo siyaasad.Waxa kaliya ee culeyska la saaray dhinaca horumarinta
oo ahayd waxa kaliya ee Samaroon heshiiska ku ahaa.
Waxana sidaas loo yeelay in koox walba lagu ixtiraamo jihada ay samaroon ay
udoorteen inay u hayaamiyaan oo kala ah S/land iyo Somaliweyn inay ka jibo keento.
Haddaba iyadoo arintu sidaas tahay ayaa sanadkii dhoweyd ee 2009 waxa dhacay
waqcado siyasadeed oo muhiim ah oo wax ka bedlay duruufihii siyasadeed ee hore
uga jiray Somaliya iyo S/land.
Duruufahaa iyo xaladaaha adag ee siyasdeed ayaa dhaliyey Jawi ay markale waxgradka
Samaroon ee gudaha iyo dibadda joogaa ay ka fakaraan in shir ayo ka tashi ah
la iskuugu yimaado.Waxa duruufahaa iyo isbedelkaa siyasadeed ee ka dhacay dalka
uu keenay in labadii kooxood ee meesha fog kala taagnaa ay isku soo dhaweydaan
ka dib markii kooxwaliba ay darbiga soo taabtay ee ay quus ka soo joogsadeen
Himilooyinkoodii..
Dhinaca S/land:waxa sanadkii hore 2009 ka dhacay S/Land
dagaal sokeeye oo dad badan oo fikirkaas S/Land aminsanaa ay u arkayeen in laga
bogsaday.Dagaalkaa sokeeye ee laga dhex huriyey beelaha Galbeed waxa sal u ahaa
herdan siyasadeeed oo Hargeysa ka socday oo dhexmarayey axsaabta mucaaridka
iyo xukuumadda oo aan cidna loo tudhin ilaa ay gaadhay colaadii galbeed laga
abuuray in ay gaadho Caasimadda oo ay ka dhaceen iska horimaad hubeysan oo dad
ku dhinteen.
Ugu dambayntii markii la isla gaadhay xaalad amaan daro oo khatar galisay S/Land
ayaa gurmad waxa ka galay dalka deriska ah ee Itoobiya iyo Yurub oo dhexdhexaadin
ka galay ay xaaladii cakirayd ay ku dajiyaan.Xaaladaa amaandaro iyo herdankii
Hargeysa ka socday waxa kaloo uu sababey waxa aan hore uga dhicin S/Land oo
ah in dad masaafur ah oo udhashay Awdal jidka loo galo oo hilibkooda loo jarjaro.Duruufahaa
qalafsan ee sanadkii dhoweyd ka dhacay S/Land iyo saluug dheeraad ah oo marka
horeba ka jiray qaabka awoodda qeybsiga dalka ayaa keenay in Samaroonkii aminsanaa
S/Land ay candhuuftooda dib u liqaaan oo ay su,aalo badan iska weydiiyaan hamigoodii
siyasadeed yo himilooyinkoodii.
Dhinaca Koonfurta:Sidoo kale sanadkii 2009 waxa dhacay
isbedel aad u weyn ka dib markii ciidamadii xabashida lagu jabiyey dagaalkii
ee dalka ay ka baxeen.Waxa la dhisay Dawlad aanay uwada dhamayn kooxihii dagaalka
la galay Itoopia oo maqaar saar ah. Dawladaas sidii caadada ahayd Jabouti ayaa
lagu soo dhisay waxana hogaaminayey Shariif oo ka tirsanaa maxakamadihii Islamiyiinta.
Dagaal sokeeye oo aan hore uga dhicin ayaa Xamar iyo koonfur ka dhacay.Alshaab
iyo Xisbul islam oo dhinac ah iyo xukuumadii shariif oo dhinac ah.Dagaalkii
wuu socdaa Somaliyana waxa cadaatay inay ku herdamayaan xoogag Caalami sida
alqaacida,Eriteriya,Etobiya, Callashooda ushaqaystayasha Amison ee reer yurub
iyo maraykan dawladoohooda ay sadaqadda u tuuraan.Waxa intaas soo raaca Maraakiib
calami ah oo iska hoganaya xeebaha konfureed oo aan la kala garanayn inay budhcad
badeeda (Pirates) la shaqaynayan iyo inkale.
Arimahan iyo isbedelkan siyasadeed ee sanadkii hore 2009 ka dhacay koonfur iyo
rajo la,aantaasi waxay sidoo kale saamayn ku yeesheen fikirkii iyo mawqifkii
taageerayashii Samaroon ee Somaliya,tasoo ay inta badan ay hogaaminyeen aqoonyahanku.Kuwasoo
si hagar la,aana isku hawlay 20 kii sano ee dambaysay inay mar uun ay dhalato
Dawlad Somaliyeed.
Waxa hadaba muuqatay in taladii koonfurta somaliya aanay Somali faraha ugu jirin,oo
cid tamar uhaysa aanay jirin haba yaraatee waxka qabadkeedu.
Arimahaa iyo duruufahaa siyasadeeed ee saamaynta ku yeeshay fikirkii waxgaradkii
Samaroon ayaad moodaa imika inay jirto furasad aan hore usoo marini oo si miyir
qab leh la iskula eego danta Samaroon si wadajir.
Waxaa kale oo mar hore carabka lagu dhuftay doorashada S/land iyo madaxweyne
Rayaale in shirka Minesota carqalad ku yahay.
Runtii madaxweyne Rayaale waxa ku xeeran 60 nin oo barlamaan
ah iyo 60 nin oo guurti ah oo isku beel ah.Waxa kaloo ku xeeran afar hogamiye
oo labana golayaasha hogamiyaan labana xisbiyada mucaaridka oo talada kula herdamaya,iyo
laba General oo kala haysta Ciidanka Poliska iyo milatariga oo isku wada beel
ah iyo afartan wasiir oo isku beel ah.Sidaa awgeed madaxweyne Rayale joogistiisa iyo tegistiisu waxa farqi uma
laha beelaha Samaroon iyo Harti Bari midnaba ilaa inta xal isku dheelitiran
loo helayo awood Saami qeybsiga talada dalka oo imkika aan isku dheelitirnayn.
Nin baa buug qoray sanadkii hore magaciisu yahay Politics of Cain waa Dr. Bulxan
waxa uu ka hadlay sidii ay u burburtay xukuumadii somaliyeed.Waxana uu sababta
burburka asaas uu uga dhigay Dulmi xaddhaaf oo dhinaca talada iyo awood qeybsiga
ah oo ay ku sameeyeen Beeshiisa(Isaaq) labada beelood ee Hawiye iyo Darood markii
la isku biiray 60kii.Waxa uu qoruhu buugiisa ku xusay in Cigaal oo beeshiisa
ka soo jeeday uu doorashadii 1967 uu talada gacanta ku dhigay ka dib markii
uu hantay jagada Raiisal wasaaraha.Hase yeeshee halkii laga filayey Cigaal inuu
beeshiisa oo ku dulman dhinaca awooda kuraasta uu wax u kordhin lahaa uu kaliya
labadii beelood ee Hawiye iyo Darood uun awoodii kuraasta wasaaradaha usii kordhiyey.Rayalena
waa sidaas oo kale oo awoodan ku xeeran inuu wax usii kordhiyo mooyaane ha
ka sugan wax kale oo xal ah waayo awoodba uma leh sidaa Cigaal.
Haddaba shirka ayaa laga sugayaa inay si cad oo aan gabasho lahayn inuu uqeexo
arimahaas,isla markaana ay soo jeediyaan wixii taloyin ah sidii xal waara looga
heli lahaa waxka qabadkooda.
Waxan ugu dambaystii ku dhiirigalinaynaa qabanqaabiyaaasha shirka inay is balaadhiyan
oo dhaamanba lagu martiqqado shirka dadkii ku kala fogaa afkaarta o imika isku
soo dhawaanaya.
Waxan laga rajaynayaa shirku in uu shiishka saaro 20 sano u dambaysay Samaroon
wixii u qabsoomay iyo wixii la ilduufay.
Kadibna iyadoo laga duulayo duruufahan cusub in la qeexo jiho siyaasadeed oo loo
mideysan yahay.
shirku wuu guuleysankaraa go,anadiisana Samaroon way iibsankaraan ,kaliya hadii xoogga la saaro sidii beelweynta Samaroon looga samato bixin lahaa mawjadaha siyaasadeed ee ku habsaday.
Mohamed Dirane