Jan 10, 2010
Boorama-ku dhawaad soddomeeyo xubnood oo isugu jira cuqaal,
salaadiin iyo waxgarad kale oo kasoo kala jeeda gobolada Awdal iyo Selel, ayaa
maanta cambaareeyey waxa ay ku tilmaameen iibka xukuumadda madaxaweyne Rayaale
ay iibisay jasiiradaha saacaddiin iyo ceebaad ee magaalada Saylac, isla markaana
difaacay booqashadii salaadiinta dhulkaasiu ku tegeen jiiddaasi dhawaanta. Shir
jaraaid oo ayku qabteen Boorama, ayaa waxa ka hadlay xubno salaadiin, cuqaal iyo
xubno ku hadlayey magaca aqoonyahanada iyo dhallinyarada G/awdal iyo Selel, ayaa
sidoo kale waxay xukuumadda iyo wasiiradaba ugu baaqeen inay iska casilaan xilka
dalka.
Suldaan Daahir Cismaan, oo halkaasi ugu horeyn ka hadlay ayaa yidhi “Anigoo
ka mid ah salaadiinta G/awdal iyo Selel waxan halkan isugu nimi inaan taageerro
booqashadii ay saylac ku tegeen salaadiinta goboladaasi si ay usoo hubiyaan
waxa ka jira jasiiradahaasi loo seestay sidii jagooyinkii Hargeysa iyo Boorama,
annagoo halkan uga muujinayna taagerada la xidhiidha mawqifka ay ku tegeen,
waxanan cambaareynaynaa iibinta dhulka jasiiradahaasi. Jasiirad marka la yidhaa
qaarbaa dalalka caalamka ka jiraayi jasiirado yihiin, waxanan soo ogaannay in
dhammaan jasiiradaha Saacadiin iyo Ceebaad oo mid dherekeedu yahay 8 kiiloomitir,
halkka jasiiradda ceebaad oo afar kiiloomitir, dhammaantood lagu wareejiyey
foostooyin shub ah.
Maamulayaasha dhulkaasina nooma sheegin in sidaa ay sameeyeen, mana jiraan
wax sharci ah oo ay soo bandhigeen oo lagu kireeyey ama lagu iibiyey jasiiraddaasi
ama gole answixiyey, shirkaduhu waxay yihiin lama sheegin. Sidaa darteed waxan
leehay qonjaxa geel wax gunti la geliyo ka weyn. Jasiiradahaasina wax qof kireeyo
ama iibiyo wey ka weyntahay. Sharcina waxa u leh umadda ku nool degaankiisa,
waxa la isbarbardhigayaa nolosha dadka degaanka ah iyo manfacaadka jasiiraddas.
Waxaan leehay waxa taa ku xigta Soomaaliland oo la iibiyo, Wasiirada cambaareynayey
salaaddinta socdaalkoda waxan u sheegeya qofna lama yidhaa maxaad gurigaagaga
u gashay, isagana waxan leehay waa qawsaarro geel IDIINKU DHISI LA YIDHI. Wasiir
kastoo salaadiitiisa wax ka sheegayana sagxadda ayuu taaban doonaa.”
Sh. Maxamuud Xoog Badane, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “xasaasiyaddani
waxay ka bilaabantay socdaalkii an ku tegnay magaalada Saylac. Bani aadamkuna
markuu wax dareemo weji uu wax ku galo ayuu leehayay, hadduu garan waayana lafahiisa
ayuu gef u geystay, diintiisa iyo iimaankiisana gefbuu ka galaa. Annagu sidaan
u arkaynay socdaalkaasi waxan u arkaynay mid muqaddas ah, hase yeeshee waxa
dhacay in rag aan siyaasadda, diinta iyo dhaqanka garanayn ay la qaloocatay,
nin kastaana wixii uu hidin karayey uu ku hadlay, ayeyse u dhacday. Sharciga
islaanku wuxu meelaha caynkaas ah ka qabaa, gaar ahaanna degaanka kaydka loo
yaqaan inaan wax tallaabo ah, wax dhismo ah cidina faragelin karin, mashaariicna
an laga furi karin ayey shareecaddu bannaynaysaa, aayaddaassaana u daliil ah.
Waa inay kayd u ahaadaan umadda islkaannimaduna way sheegtay.
Waxan soo qaadanayaa wargeyskan waxa ku qoran, isagoo yidhi ‘wakhtigii
kuwaasi talin jireen wuu dhammaaday. Odayaashau waxay la cimri yihiin diinta
islaanka oo ay la bilaabmeen, diintii nebi muuse ayey la cimri ahaayeen. Duulaankii
nebi Maxamed (nnk) ku qabsaday 40 kun oo neef iyo labaatankun oo ka tirsan ciidamadii
ay la dagaalamayey ayaa arrintooda Rasuulku wuxu isugu yeedhay odayaashaii inay
islaamaan ayuu nebigu doonayey, odayaashiibuu yidhi ka taliye. Taladii odayaashii
ayuu qaatay nebigeennu. Madiina maalintii uu tegey odayaashiibuu nebigu u yeedhay
reer madiina ah.
Ninka weyn ee wasiirka xidhiidhka golayaasha ah, ee iska durduriyey garaadkiisa
waad garankartaan, masuuliyad la sidi karaana anay oollin. Ninkan la yihaa wasiirka
dalxiiska, waxa isaga jiitay waa ciriq, isagoo wasiirkaasi yidhi labada beeloodbaa
la isku dirayaa. Arrinta Ceelberdaale wuxu yidhi may odayaashu galaan, waxan
u sheegyaa in odayaashu waxna dhisaa waxna soo dhaweeyaan, dhaqaajinta arrimahaasi
waxa iska leh ragga xilka haya. sannadbadhkiibaa la joogay meeshaasi, cid kastaana
gashay maxay ka qabteen, iyagay ahayd inay wax ka qabtaan. Arrintaasi waxay
dhashay in Gedebuursi la laayo, ciddii hawsheeda gabtaa way iscasishaa, xilalka
ay hayaan maxay ku qabteen. Hadday damiir leeyihiin maanta gedebuursi laguma
ugaadhsadeen allayaday iyo kalabaydh. Waxanan leehay sida bani aadamka u dhaqma.”
Caaqil Cilmi Faarax Wacays, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “hadalkani
waxa uu ka bilowday tegitaankii salaadiintu tegeen Saylac. Dee Saylac rukhsad
uga qaadanmaynno cidna, cidna loo mari maayo. Jasiiradahaasi waxay soo jireen
boqollaal sannadood, waxay soo jirreen wakhtii Dawladii Aadan Cadde, waxay soo
jireen tii C/rashiid, waxayna soo jireen tii siyaad Barre, dee lama arag dal
dhan oo la yidhaa ninbaa leh, nolosha umadda u dhaxaysana lama odhan karo shakhsibaa
leh.
Umaddu way qaadaan weyday waddanka hebelbaa leh, tan jasiiradda waxaan leehay
waa in degdeg looga noqdaa. Umaddu sharaf bay leedahay, meelaha sharafta lehna
la iskama taabto. Salaadiintu waa sharaftii, waxa wax ka sheegeyaana dadkoodiibay
u tegeen ceeb uma tegin, umaddooda waxa qabsaday bay ugu yeedheen, ninka ceebaynayaa
waa ninkii dhibtaa bilaabay, waa ninka wasiirka ka ah wasaaradda hiddaha iyo
dhaqanka, isagu intuu ceebtiisa ogaan lahaa ayuu ceeb kale galay. Waxay noqotay
wuxu ku hadlay caqligiisa oo an sharaf lahayn.
Waar ceelberdaale dhib ayaa ka dhacday, wax reer hebel la odhan karo maaha,
maalin walba way ka socotaa, xilkaa wixii gabay waa la ogyahay, shalaybaa la
fadhiyey jidkaasi, way ku qayilaan Gebileybaa shidaalka laga siiyaa, dawladna
waa la sheeganayaa, dee lama qaban waayin. Qabiilna ku cambaareytn mayno ee
cidda xilkeeda garanweyday hana is casilaan, qaadanna maynno ragga halkaa fadhiyaana
nabadda ceelbay ku ridayaan, qaadan kari maynno. Kuwii Burcoba ee qoryaha saaray
gaadiidka waa la qabtay, dee kuwan lama qaban kari waayine waa laga dambeeyaa,
dee wixii ka dambeeyey ha la helo.”
Ilkacase, oo ku hadlayey magaca dhallinyarada, ayaa isna yidhi “haddii
an ka mid ahay dhallinyarada reer Awdal iyo Selel, waxan taabacsanahay go’aanka
salaadiintu ku dabagaleen arrinta dhulkaasi, lexejecladana ay ka muujiyeen,
waana in si isku mid ah looga wada hawlgalo, salaadiintana gaar uma ah hawshaasi,
ee waa mid inna khuseysa.”
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, Somaliland