Naftii Hure
 
Too many ideas can sometimes create more problems than solutions...just a reminder from us.... .... To contact us please call 613-898-3300 E-mail: info@warsanmag.com




    Music
Click to know more Click to know more Click to know more 
Salaadiin Tiro badan oo Reer Awdal ah oo Tilmaamay in Xukumadda Xilkeedii
 
Jan 10, 2010
Boorama-ku dhawaad soddomeeyo xubnood oo isugu jira cuqaal, salaadiin iyo waxgarad kale oo kasoo kala jeeda gobolada Awdal iyo Selel, ayaa maanta cambaareeyey waxa ay ku tilmaameen iibka xukuumadda madaxaweyne Rayaale ay iibisay jasiiradaha saacaddiin iyo ceebaad ee magaalada Saylac, isla markaana difaacay booqashadii salaadiinta dhulkaasiu ku tegeen jiiddaasi dhawaanta. Shir jaraaid oo ayku qabteen Boorama, ayaa waxa ka hadlay xubno salaadiin, cuqaal iyo xubno ku hadlayey magaca aqoonyahanada iyo dhallinyarada G/awdal iyo Selel, ayaa sidoo kale waxay xukuumadda iyo wasiiradaba ugu baaqeen inay iska casilaan xilka dalka.

Suldaan Daahir Cismaan, oo halkaasi ugu horeyn ka hadlay ayaa yidhi “Anigoo ka mid ah salaadiinta G/awdal iyo Selel waxan halkan isugu nimi inaan taageerro booqashadii ay saylac ku tegeen salaadiinta goboladaasi si ay usoo hubiyaan waxa ka jira jasiiradahaasi loo seestay sidii jagooyinkii Hargeysa iyo Boorama, annagoo halkan uga muujinayna taagerada la xidhiidha mawqifka ay ku tegeen, waxanan cambaareynaynaa iibinta dhulka jasiiradahaasi. Jasiirad marka la yidhaa qaarbaa dalalka caalamka ka jiraayi jasiirado yihiin, waxanan soo ogaannay in dhammaan jasiiradaha Saacadiin iyo Ceebaad oo mid dherekeedu yahay 8 kiiloomitir, halkka jasiiradda ceebaad oo afar kiiloomitir, dhammaantood lagu wareejiyey foostooyin shub ah.

Maamulayaasha dhulkaasina nooma sheegin in sidaa ay sameeyeen, mana jiraan wax sharci ah oo ay soo bandhigeen oo lagu kireeyey ama lagu iibiyey jasiiraddaasi ama gole answixiyey, shirkaduhu waxay yihiin lama sheegin. Sidaa darteed waxan leehay qonjaxa geel wax gunti la geliyo ka weyn. Jasiiradahaasina wax qof kireeyo ama iibiyo wey ka weyntahay. Sharcina waxa u leh umadda ku nool degaankiisa, waxa la isbarbardhigayaa nolosha dadka degaanka ah iyo manfacaadka jasiiraddas.

Waxaan leehay waxa taa ku xigta Soomaaliland oo la iibiyo, Wasiirada cambaareynayey salaaddinta socdaalkoda waxan u sheegeya qofna lama yidhaa maxaad gurigaagaga u gashay, isagana waxan leehay waa qawsaarro geel IDIINKU DHISI LA YIDHI. Wasiir kastoo salaadiitiisa wax ka sheegayana sagxadda ayuu taaban doonaa.”

Sh. Maxamuud Xoog Badane, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “xasaasiyaddani waxay ka bilaabantay socdaalkii an ku tegnay magaalada Saylac. Bani aadamkuna markuu wax dareemo weji uu wax ku galo ayuu leehayay, hadduu garan waayana lafahiisa ayuu gef u geystay, diintiisa iyo iimaankiisana gefbuu ka galaa. Annagu sidaan u arkaynay socdaalkaasi waxan u arkaynay mid muqaddas ah, hase yeeshee waxa dhacay in rag aan siyaasadda, diinta iyo dhaqanka garanayn ay la qaloocatay, nin kastaana wixii uu hidin karayey uu ku hadlay, ayeyse u dhacday. Sharciga islaanku wuxu meelaha caynkaas ah ka qabaa, gaar ahaanna degaanka kaydka loo yaqaan inaan wax tallaabo ah, wax dhismo ah cidina faragelin karin, mashaariicna an laga furi karin ayey shareecaddu bannaynaysaa, aayaddaassaana u daliil ah. Waa inay kayd u ahaadaan umadda islkaannimaduna way sheegtay.

Waxan soo qaadanayaa wargeyskan waxa ku qoran, isagoo yidhi ‘wakhtigii kuwaasi talin jireen wuu dhammaaday. Odayaashau waxay la cimri yihiin diinta islaanka oo ay la bilaabmeen, diintii nebi muuse ayey la cimri ahaayeen. Duulaankii nebi Maxamed (nnk) ku qabsaday 40 kun oo neef iyo labaatankun oo ka tirsan ciidamadii ay la dagaalamayey ayaa arrintooda Rasuulku wuxu isugu yeedhay odayaashaii inay islaamaan ayuu nebigu doonayey, odayaashiibuu yidhi ka taliye. Taladii odayaashii ayuu qaatay nebigeennu. Madiina maalintii uu tegey odayaashiibuu nebigu u yeedhay reer madiina ah.

Ninka weyn ee wasiirka xidhiidhka golayaasha ah, ee iska durduriyey garaadkiisa waad garankartaan, masuuliyad la sidi karaana anay oollin. Ninkan la yihaa wasiirka dalxiiska, waxa isaga jiitay waa ciriq, isagoo wasiirkaasi yidhi labada beeloodbaa la isku dirayaa. Arrinta Ceelberdaale wuxu yidhi may odayaashu galaan, waxan u sheegyaa in odayaashu waxna dhisaa waxna soo dhaweeyaan, dhaqaajinta arrimahaasi waxa iska leh ragga xilka haya. sannadbadhkiibaa la joogay meeshaasi, cid kastaana gashay maxay ka qabteen, iyagay ahayd inay wax ka qabtaan. Arrintaasi waxay dhashay in Gedebuursi la laayo, ciddii hawsheeda gabtaa way iscasishaa, xilalka ay hayaan maxay ku qabteen. Hadday damiir leeyihiin maanta gedebuursi laguma ugaadhsadeen allayaday iyo kalabaydh. Waxanan leehay sida bani aadamka u dhaqma.”

Caaqil Cilmi Faarax Wacays, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “hadalkani waxa uu ka bilowday tegitaankii salaadiintu tegeen Saylac. Dee Saylac rukhsad uga qaadanmaynno cidna, cidna loo mari maayo. Jasiiradahaasi waxay soo jireen boqollaal sannadood, waxay soo jirreen wakhtii Dawladii Aadan Cadde, waxay soo jireen tii C/rashiid, waxayna soo jireen tii siyaad Barre, dee lama arag dal dhan oo la yidhaa ninbaa leh, nolosha umadda u dhaxaysana lama odhan karo shakhsibaa leh.

Umaddu way qaadaan weyday waddanka hebelbaa leh, tan jasiiradda waxaan leehay waa in degdeg looga noqdaa. Umaddu sharaf bay leedahay, meelaha sharafta lehna la iskama taabto. Salaadiintu waa sharaftii, waxa wax ka sheegeyaana dadkoodiibay u tegeen ceeb uma tegin, umaddooda waxa qabsaday bay ugu yeedheen, ninka ceebaynayaa waa ninkii dhibtaa bilaabay, waa ninka wasiirka ka ah wasaaradda hiddaha iyo dhaqanka, isagu intuu ceebtiisa ogaan lahaa ayuu ceeb kale galay. Waxay noqotay wuxu ku hadlay caqligiisa oo an sharaf lahayn.

Waar ceelberdaale dhib ayaa ka dhacday, wax reer hebel la odhan karo maaha, maalin walba way ka socotaa, xilkaa wixii gabay waa la ogyahay, shalaybaa la fadhiyey jidkaasi, way ku qayilaan Gebileybaa shidaalka laga siiyaa, dawladna waa la sheeganayaa, dee lama qaban waayin. Qabiilna ku cambaareytn mayno ee cidda xilkeeda garanweyday hana is casilaan, qaadanna maynno ragga halkaa fadhiyaana nabadda ceelbay ku ridayaan, qaadan kari maynno. Kuwii Burcoba ee qoryaha saaray gaadiidka waa la qabtay, dee kuwan lama qaban kari waayine waa laga dambeeyaa, dee wixii ka dambeeyey ha la helo.”

Ilkacase, oo ku hadlayey magaca dhallinyarada, ayaa isna yidhi “haddii an ka mid ahay dhallinyarada reer Awdal iyo Selel, waxan taabacsanahay go’aanka salaadiintu ku dabagaleen arrinta dhulkaasi, lexejecladana ay ka muujiyeen, waana in si isku mid ah looga wada hawlgalo, salaadiintana gaar uma ah hawshaasi, ee waa mid inna khuseysa.”

Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, Somaliland

Articles
WALI DADKA REER AWDAL MAAYNAN GARAN XAQIIQDA JIRT
Waxaynu wada ognahay inuu siiraanyo xaqiijiyay oo uu cadeeyay malintii natiijada lagu dhawaaqay inuu uciildhicin doono waxii uu ku sheegay mujaahidi more
 
Qormooyin Taxane Taariikhi ah Qarnigii 19-20 aad A

Warsanmag-Waxa uu maqaalkani ku soo baxay Warsanmag March 7/2010.Waxana uu ka mid ahaa qormooyin taxane tariikhda Awdal Q more

 
Awdal waxay u baahantahay ciidan-beeleed iyo Dekad
May 03,2010

Warsanmag-Waxa Borama ka socda olole balaadhan oo la doonayo in wax l more

 
Danta Samaroon baa ka horaysa danta Somaliland...

WAXAAN AAMINSANAHAY DANTA SOMALILAND IYO DANTA SAMAROON INAY DANTA SAMAROON HORAYSO. Waxa wax aad loola yaabo ah inuu abtigay Maxamuud Cabdilaa more

 
Necessity is the mother of the Minnesota convocati
Mar. 30 - Salaanta guud wixii ka dambeeya. It is a sure thing that there recently has been a lot more
 
International News(Shabakadaha Warka) Sports Networks(Shabakadaha Ciyaaraha) School Help(Waxbarashada Caruurta) Cool Kids(Maaweelada & Madadaalada Caruurta) Somali Web Sites(Shabakadaha Soomaalida)

  Visitor number 281408