Jan 15,2009.
“…Haddaan Colow duleedka ii fadhiyin
Rag ima daayeen dhe
Daandaansigiisaa laga baqaa
Adhi ku daaqaa dheh
Oo daaro lagu joojistaa
Rag ku danaystaa dheh….”
(Bashir Goth, Damaqsi, 1995).
Awdalpress-Boorame-Marxuum Maxamuud Muuse Colow, allaha u naxariistee waxa
uu habeennimadii
Jimcihii ee ay taariikhdu ahayd 8/01/010 ku geeriyooday magaala madaxda Gobolka
Awdal ee Boorama.
Waxa uu Marxuumku ahaa Sarkaal ka gaadhay darajada ciidammada kornayl ama G/sare.
Marxuumku waxa uu ku dhashay deegaanka Camuud ee gobalka Awdal sanadku markuu
ahaa 1937.
Dusigii quraanka waxa uu ka bilaabay tuulada Walaalgoo oo ka mida degmada
Borama halkaas oo uu quraanka ku dhameeyay.
Sannadku markuu ahaa 1957 kii waxa uu ku biiray ciidammadii British
Somaliland Protoctrate ,ciidamadaas oo la odhan jiray Somali-Scout waxaana
laga qoray
ciidanka tuulada Gorayacawl ee Borama.
1961 waxa uu noqday qofkii ugu wanaagsanaa ciidankaas waxana la siiyay bilad,
1962
waxa uu u wareegay dhanka magaalada Burco waxaana sannadkii 1963-kii laga dhigay
Laba Alifleh.
Sannadku markuu ahaa 1971-kii waxa loo diray wadanka Ruushka, laba sano kaddibna
waxa uu
ku soo laabtay dalka isaga oo takhasuskiisu ahaa Engineerka gaadiidka, isla
muddadaasina
xiddigle ayaa uu noqday.
Wakhtigaasna wuxuu ka shaqa galay gobalka Bay magaalo madaxdiisa Baydhabo.
Halkaa oo uu ka shaqaynayay ilaa iyo mudo isaga oo kabtan ah ama sadex xidigle.
1977-kii waxa uu u wareegay gobalka Gado waxana uu taliye ka ahaan jiray guutadii
laba iyo tobnaad.
Lix sano ayaanu jiiddaasi ku sugnaa, waxana uu ku gaadhay halkaas
darajada gaashaanle dhexe.
Kadib waxa loo soo wareejiyay gobalka Sool magaalada laascaanood sanadku
markuu ahaa1982 ilaa mudo ayaa uu ka shaqaynayay waxa uu Taliye Gaas ka ahaan
jiray
Gaaskii degenaa Jiiddaasi.
Muddo kaddibna waxa uu ku laabtay magaala madaxda Somalia ee Muqdisho oo uu
ka galay
kulliyaddii faransiska, isla xilliyadaasi ayaa uu noqday (gaashanle sare),kaddibna
waxa
uu galay kuliyadii Abbaanduulka.
1988kii waxa uu u soo wareegay ciidammadii qaybta waqooyiga ee 26aad
halkaas oo uu ka shaqeeyey gaar ahaan G/Awdal.
Mudadii dambe ee Somaliland la dhisay wuxuu ka qabtay xilal badan, sida isaga
oo guddoomiye ka noqday qabtay miinabaadhista G/Awdal iyo ka hortaga argagixisada
oo uu ka ahaa gudoomiye gobalka Awdal.
Dhinaca Siyaasadda Somaliland wakhtigii ay murugtay ee xilligii M/weyne Cigaal.
Wuxuu raacsanaa Fikirkii Fedraalka ee C/raxmaan Axmed Cali iyo Ururkii SDA
ee
Dawladii Caydiid ee salbalaar ay siisay Xashare iyo C/raxmaan tuurba M/wene
Xigeenada..
Marxuumku Waxa uu kaga tagay ifka 66 qof, wax uu dhalay iyo waxay siidhaleenba,
waxa uu dhalay 4 Rag ah iyo 4 dumara oo iayguna siidhalay 24 hablood iyo 34
inamood.
Marxuumku wuxuu ahaa nin furfuran xaga dhalinyarta iyo dadka la wakhtiga ahaaba,
waxaana lagu xasuustaa in uu ahaa nin ficil leh oo neceb in la quudhsado cid
jecelna xaqa qof kastaa leeyahay in uu sidiisa u helo.
Haashim Goth ( Awdalpress-Boorama )