Naftii Hure
 
Too many ideas can sometimes create more problems than solutions...just a reminder from us.... .... To contact us please call 613-898-3300 E-mail: info@warsanmag.com




    Music
Click to know more Click to know more Click to know more 
Salaadiinta iyo Dadweynaha Garbo Dadar oo diiday Suldaan Tahriib ah.
 

Jan 19,2009.

Garbo-Dadar -(Warsanmag)- Dadwaynaha ku nool degmada Garbo Dadar ee gobolka Selel ayaa si kulul ugu gacansaydhey qorshe ay ku timaameen mid sharci darro ah oo lagu doonayay in
Suldaan la sheegey inuu ka soo jeedo degmada Gabiley lagu caleemo saaro magaalada Garbo-Dadar.


magaalada Garbodadar ee xarunta degmada Garbodadar

Dadwaynaha ku dhaqan degmada Garbo Dadar oo sheegey iney arrintani fajac iyo yaab ku abuurtey ayaa tallaabadan ku tilmaamey dhulballaadhsi sharci darro ah.

Haddaba kulan ballaadhan oo ay waxgaradka, odayaasha iyo siyaasiyiinta reer Gabo Dadar ku yeesheen shalay magaalada Garbo Dadar ayaa waxa ay ka soo saareen bayaankan hoos ku qoran:

“Annaga oo ah waxgaradka, odayaasha, siyaaasiyiinta iyo dhallin yarada degmada Garbo Dadar waxaannu halkan kaga hadleynaa arrinta fajicisada iyo layaabka xanbaarsan ee filan waaga nagu noqotey, taasoo ah fal ay maamulka Gabiley rabeen iney ka fuliyaan degmada Garbo Dadar, falkaasoo ah iney soo abaabulaan qorshe tuugo ah oo ay ku dooranayaan suldaan aan u dhalan deegaansaasi lana rabey in lagu caleemo saaro magaalada Garbo Dadar, iyada oo ayna dadka uu ka soo jeedaayi wax degaan ah ku lahayn halkaasi, Arrintaasina ay ahayd mid la rabey in khalkhal lagaga abuuro degaannadaasi nabadda ah oo ajeedadda ka danbeysaana ay tahay dhul ballaadhsi qeyr distoori ah oo aan waafaqsanayn shuruucda maamul ee u taal dalka Somali Land.

Sidaas darteed waxaannu u sheegaynaa cid kasta oo ay khuseyso arrintani inaanaan ogalayn islamarkaanna ananaan marnba yeeli doonin falka noocaas ah iyo ku la mid ah toona, dawladda Somali Land-na waxaannu u sheegaynaa haddii ay arrintaasi wax ka qaban waydo in wixii ka dhaca uu masuul ka yahay maamulka degmada Gabiley”.

waxaa baaqa soo saarey:
1. Sul. Siciid Muxumad Cali
2. oday Yaasiin CAbdi Giire
3. Cabdoo Ibraahim Diiriye
4.Muuse Xuseen Ceelaabe
5. Cariish Cismaan Aare
6. Daahir Xuseen Cawaale
7. Xuseen Cali Qaloonbi
8. Ramadaan Cabdillaahi Faaarax
9. Ismaciil Cimi Caynaan
10. Jaaamac Axmad Suldaan
11. Saleebaan Xasan Axmad
12. Jaamac Nuur Dhinbiil
13. Jaamac Siciid Samaale
14.Adan Cali Bookh
15. Xabiib Cilmi Suldaan
16.Barkhad Cilmi Xirsi
17. Maxamad Cawaale Shawaad
18. Maxamuud Cbdi Xoosh
19. Yuusuf Cali Cilmi
20. Cismaan Ismaaciil Faarax
21.Bile Hammi Diiriye
22. Mahdi Araye Barkhadle
23.Bayle Khayre Cige
24. Cumar Nuur Xoosh
25. Cabdile Xasan Araye
26.Adan Cali Bookh
27. Xabiib Cilmi Suldaan
28. Cabdillaahi Nuur Xasan

Lughaya News
Garbo Dadar

D
Articles
WALI DADKA REER AWDAL MAAYNAN GARAN XAQIIQDA JIRT
Waxaynu wada ognahay inuu siiraanyo xaqiijiyay oo uu cadeeyay malintii natiijada lagu dhawaaqay inuu uciildhicin doono waxii uu ku sheegay mujaahidi more
 
Qormooyin Taxane Taariikhi ah Qarnigii 19-20 aad A

Warsanmag-Waxa uu maqaalkani ku soo baxay Warsanmag March 7/2010.Waxana uu ka mid ahaa qormooyin taxane tariikhda Awdal Q more

 
Awdal waxay u baahantahay ciidan-beeleed iyo Dekad
May 03,2010

Warsanmag-Waxa Borama ka socda olole balaadhan oo la doonayo in wax l more

 
Danta Samaroon baa ka horaysa danta Somaliland...

WAXAAN AAMINSANAHAY DANTA SOMALILAND IYO DANTA SAMAROON INAY DANTA SAMAROON HORAYSO. Waxa wax aad loola yaabo ah inuu abtigay Maxamuud Cabdilaa more

 
Necessity is the mother of the Minnesota convocati
Mar. 30 - Salaanta guud wixii ka dambeeya. It is a sure thing that there recently has been a lot more
 
International News(Shabakadaha Warka) Sports Networks(Shabakadaha Ciyaaraha) School Help(Waxbarashada Caruurta) Cool Kids(Maaweelada & Madadaalada Caruurta) Somali Web Sites(Shabakadaha Soomaalida)

  Visitor number 281415