Naftii Hure
 
Too many ideas can sometimes create more problems than solutions...just a reminder from us.... .... To contact us please call 613-898-3300 E-mail: info@warsanmag.com




    Music
Click to know more Click to know more Click to know more 
Suldaan Saleeban shabakada - SomalilandEye aflagaado kama gayo.
 
Jan 24 - Waxaan ka yaabay shabakada somalilandeye oo soo qoraysay dhawaan "Haddii aanan Ceelbardaalow dhiig koogu fool dhiqin", oo ku dhaadanaysay reer Nuur iyo suldaankooda, in (waa garaadkoodee) meel aan loo fadhiyin ka hadleen maalmo dhawayd. Islamarkaana kala jeclaysteen colaada ka oogan Bariga Awdal-Gabiley iyo arinta Sacaadudiin, aflagaadana ka abuuray hadal ayna qiimahiisa garanayn halka uu ku aadan yahay iyo sidii loo yidhi oo uu ku dhawaaqay Suldaan Saleebaan.

Ninba meesha bugtaa isagay balbashaaye waxa muuqata in hadalkii uu yidhi Suldaan Suleymaan ku dhacay boog la qarinayay oo xanuun ay ku beertay aflagaadana u horseeday bukaan socodkaa is qarinayay. Bal jirjiroolahan eega. SomalilandEye waxay soo qortay:

"Suldaan saleeban, suldaan aan aad iyo aad u jecelahay ayuu ahaa waxan ku jecla xikmadiisa iyo sida kartida leh ee uu difaaca adag ugu jiray markii ay ugu xumayd arinkii ceelbardaale ee dad-qaladata aan isku haynay."

Iska hadlow, waad ogtahay aflagaadada ka dambatsay eed qortay. Hadalkaaga waxa ka muuqda jirjiroole aan lahayn meel loogusoo hagaago waase nasiibkaa oo qadarkii maskaxdaadu lahayd uun baad ciyaartay.

Hebelow, Suldaanku waa geesigii aad taqaanay. Fariidkii hadalkiisu miisaanka lahaa. Waa Suldaankii reer nuur caleenta u saartay. Waa odaygii caamka ahaa ee Samaroon wanaag iyo hadalo cadcad ku yaqaanay. Waar Suldaanku dib uma dhalane waa suldaankii aad taqaanay ee adigaa garanwaayay hadalkiisu meel uu ujeedo. Hadii aad garan waydayse waxa kuu haboonayd inaad wax garadka sifeeya ereyadu kolba halkay ku socdaan inaad ii macneeya tidhahdo ee adaadurku ma fiicnayn.

Waxba maad qorine hebelow nasiib daro ayaa qoraalkaaga ka muuqda oo macnihii baad ka qaaday dhiiga ku daatay Ceelbardaale, dhiiga ilaa maanta qubanaaya ee rag difaaceeda qabowga ay u fadhiyaan ayaad fudayd iyo fikrad tayo-beel ah dulsaartay.

Waar Ceelbardaale iyo Sacaadudiin siyaabo badan bay ukala duwan yihiin. Fili maayo inaad garanayso ee waxgaradka agtaada ka muuqda warayso yagaa kuu macnayne. Fahamkaaga oon gaadhsiisnayn heerka hadalka suldaanka ayaa kuu horseeday aflagaadadee ee wixii tan ka dambeeya hadalyaqaanka ka warayso oo dhuux kolba halka hadalku u jeedo.

Hadii aad inuun wax garanayso oo fikradaadu u jeedo wanaag, hadalkii suldaanka aflagaado kamaad bixiseen. Somalilandeye waxa aad meel kaga dhacday Dagaal yahanka ka dagaalamay jiidaha Bariga Awdal iyo Oday reer laf-dhabar u ah oo Suldaan u ah beelaha laf-dhabarta u ah Gadabuursi (Reer-Nuur).

Fikrad aan maco lahayn iyo aflagaado ku aadan oday reer u suldaan ah kaa aqbali maayo kaagana xishoon maayo godna waan isla galaynaa ama ha lagu soo diro ama adiga aragtidaa ha ahaato. Ogowna inaan xaq u leeyahay difaaca suldaankayga. Saxiibow waan ku garanayaa waxaad sheeganaysana ma tihid, ee ogow anuu waan difaacii cir ,dhul iyo badba Tolkay ee adigu soo cadow oo is cadee. Jawaabna ka bixi waxaad Mujaahidiinta dhiigooda u qubaya dhulkooda iyo tolkood aad iyaga iyo Suldaankoodiiba u xajiimaysay, ogowna anigu meel kasta oo Gadabuursi land waan u damqan, Sacaadudiin waa dhulkaygii oo waan u dhiman Ceelbardaale iyo Caro samaroon waad arkaysaa inaan rag ka hiray oo aan heegan u ahay ee aduu jooji aflagaadada iyo isu gujinta Gadabuursi iyo Aflagaadada Tolka dhexdiisa. Ma jecli inaan yoolyooltan bilaabo ee tani waa arin gujo iyo tol kala dilida ah oo kaaga aamusi maayo.

Waxaan u mahad celinayaa dhamaan in aanay soo daabicin shabakadaha kale ee Reer Awdal afxumidii aad qortay iyo aflagaadadii Suldaankayga ee bal ha la ogaado u jeedada Somalilandeye.

Waxaan leeyahay Suldaan Saleebaan Cali Ismaciil waa geesi Samaroon, Allaha Daayo oo Noolow.

Miiska Ceelbardaale (Ceelbardaale desk)

Articles
WALI DADKA REER AWDAL MAAYNAN GARAN XAQIIQDA JIRT
Waxaynu wada ognahay inuu siiraanyo xaqiijiyay oo uu cadeeyay malintii natiijada lagu dhawaaqay inuu uciildhicin doono waxii uu ku sheegay mujaahidi more
 
Qormooyin Taxane Taariikhi ah Qarnigii 19-20 aad A

Warsanmag-Waxa uu maqaalkani ku soo baxay Warsanmag March 7/2010.Waxana uu ka mid ahaa qormooyin taxane tariikhda Awdal Q more

 
Awdal waxay u baahantahay ciidan-beeleed iyo Dekad
May 03,2010

Warsanmag-Waxa Borama ka socda olole balaadhan oo la doonayo in wax l more

 
Danta Samaroon baa ka horaysa danta Somaliland...

WAXAAN AAMINSANAHAY DANTA SOMALILAND IYO DANTA SAMAROON INAY DANTA SAMAROON HORAYSO. Waxa wax aad loola yaabo ah inuu abtigay Maxamuud Cabdilaa more

 
Necessity is the mother of the Minnesota convocati
Mar. 30 - Salaanta guud wixii ka dambeeya. It is a sure thing that there recently has been a lot more
 
International News(Shabakadaha Warka) Sports Networks(Shabakadaha Ciyaaraha) School Help(Waxbarashada Caruurta) Cool Kids(Maaweelada & Madadaalada Caruurta) Somali Web Sites(Shabakadaha Soomaalida)

  Visitor number 281414