Jan 25,2009.
Awbare (Warsanmag) - Wararka laga helayo degaanka Ismaamulka
Somalida Ethiopia ayaa sheegaya in Raysal wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Males
Senawi la filayo inuu maalinta bari booqdo Degaano ka tirsan Degmooyinka Awbare
iyo Lafa-ciise. Raysal Wasaare Males Senawi oo ilaa shalay booqasho ku jooga
deegaanka Somalida Ethiopia gaar ahaan magaaladda Caasimadda ee Jigjiga. Sida
wararka laga helayo degaanadaasi ku waramayaan waxa si wayn loo adkeeyay amaanka
guud ahaan deegaanka Somalida ee Kililka 5aad loo yaqaan.
Guud ahaan xududa kala qaybisa Somaliland iyo dalka Ethiopia ayaa si wayn loo
xidhay, waxaana halkaa la keenay ciidamo aad u badan, baaburta ka tagaysay dhinaca
Somaliland ayaa loo diiday inay galaan dalka Ethiopia, gaar ahaan kuwa aan lahayn
taarikada Ethiopia. Hasa yeeshe dhinaca Ethiopia baabuurta ka soo baxaysaa waxay
ilaa maanta ahaayeen qaar lagu xanibay dhinaca shishe ee xuduudka, marka laga
reebo gaadiidka sida qaadka oo kaliya.
Degaanadda galbeedka Jigjiga ayaa waxa ka socda diyaar garow wayn oo dadka
ku dhaqani doonayaan inay ku soo dhaweeyaan Raysal wasaaraha dalka Ethiopia
Males Senawi oo aan isagu ku socod badnayn dhulkaas.
Socdaalka Males Senaawi ee Kililka 5aad ee Dalka Ethiopia ayaa noqonaya kii
labaad ee uu dhulkaas ku yimi tan iyo intii uu Raysal wasaaraha dalkaas noqday
oo gaadhaysa mudo 17-sanadood ah, waxaana gobolka Somalidu degto ee dalka Ethiopia
ka jira dib u dhacyo ay ku keeneen dagaalo iyo iska hor imaadyo ka jira Somalida
gudaheed iyo Mid lagu hayo dawlada Ethiopia.
Degaanadda degmooyinka Awbare iyo Lafa-Ciise ayaa lagu tiriyaa meelaha ugu
wanaagsan dhinaca waxbarashada iyo nabad galyadda ee degaanka Somalida Ethiopia.
Waxaana sida warbixino laga diyaariyay sheegayaan degaanaddaas ka baxa sanad
walba ardayda ugu badan Somalida Ethiopia. Taas oo dad badani u malaynayaan
inay tahay sababta Males Senawi u doortay inuu dhulkaas tago.
Si kasta ha ahaatee wararka laga helayo dhulkaas ayaa sheegaya inuu Raysal
Wasaare Meles Senawi socdaalkiisa ku gaadhi doono meelo aad ugu dhow xadka,
Gaar ahaan Magaalada Borame, waxa kale oo jira warar sheegaya in qado sharaf
loogu samayn doono dooxadda dhinaca beeraha ku wanaagsan ee Harowo.
Source:Harowo Desk Hargeysa Somaliland.