Naftii Hure
 
Too many ideas can sometimes create more problems than solutions...just a reminder from us.... .... To contact us please call 613-898-3300 E-mail: info@warsanmag.com




    Music
Click to know more Click to know more Click to know more 
Xisbiga Kulmiye oo Hanjabaad ku Hafiyey Komishinka Cusub.
 

Jan 26,2010

Hargeysa (Warsanmag) Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa kula kacay Guddida Doorashooyinka Qaranka faragalin toos ah oo ay ku amrayaan inay u fuliyaan ujeeddooyin Siyaasadeed oo ay ku dhaliilayaan Xukuumadda iyo Xisbiga Udub taasoo meel-ka-dhac ku ah Qoddobadii Heshiiskii u danbeeyay ee lagu soo af-jaray murankii Siyaasadeed ee Dalka , markaasoo ay sadexda Xisbiba balan qaadeen inaanay wax faragalin ah ku samaynaynin Komishanka si ay ugu madax banaanaadaan hawlahooda.


Sidaana waxa uu ka cadeeyay Xisbiga Kulmiye shir-jaraa’id oo ay doraad ku qabteen Xaruntooda kaasoo ay kaga hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin eedo ay Xukuumaddu u jeedisay Guddoomiyahooga Axmed Siilaanyo iyo Komishanka Doorashooyinka oo ay ku canaanteen inaanu garanayn hawshii loo igmaday, isla markaana u jeediyay dhaliilo ay ku sheegayaan waxtar la’aantooda.


Shirkaasi jaraa’id oo uu akhriyay Dr: Maxamed Cabdi Gaboose oo ah Guddoomiayaha Ololaha Doorashada ee Goboladda Bari ee Xisbiga Kulmiye ayaa caddeeyay in kusimaha Guddoomiyahoodu Muuse Biixi Cabdi uu u qoray Komishanka waraaqo balse aan looga soo jawaabin taasoo u muuqata inay Komishanku ka muquurteen inay uga soo jawaaban kadib markii ay sida la sheegay qaadan kari waayeen hadalada uu Guddoomiyhu ugu Gudbiyay Qoraalka oo ahaa mid ka baxsan Milgaha iyo karaamada Komishanku ay xambaarsan yihiin, taasoo Dastuurku awood u siiyay inay Go’aan ka gaadhaan oo ay qabtaan wixii shaqo ah ee ay leeyihiin.


Qoraalka kusimaha Guddoomiyuhu u qoray Komishanka ayaa ah mid ka hor dhacay wakhtigii loogu talagalay oo ahayd in uu la sugo bilowga Ololaha Doorashooyinka oo ay Garsoorkeeda leeyihiin Komishanku, waxaanay u muuqataa inuu doonayo inuu u isticmaalo si la mid ah sidii loo isticmaalay markii Xubnaha Komishanku faragalinta ku sameeyeen khilaafka Golaha Guurtidda ka dhex taagan oo ay ku dhex dhaceen iyagoon ka fiirsan awooda ay u leeyihiin soo dhexgalkoodu.


Waxaanay talaabadani u muuqataa in lagu waxyeelaynayo heshiiskii Saddexda Musharax ee Axsaabta iyo ku xigeenaddoodu ku heshiiyeen inaan la faragalin taasoo wakhtigaasi kulamadaasi ay ku koobnaayeen uun dhexdooda balse sababta looga fogeeyay xubnaha kale ee Xisbiyadu ay ahayd in la helo cid loo raaco wixii xadgudub ah ee ka soo baxa heshiiska taasoo ka dhigaysa gacan dhaafkan uu sameeyay Kusimaha Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye mid xagal daacinaysa kalsoonida ay Axsaabta kale ku qabayso haddiiba ay dhacdo in Komishanku ay aqbalaan faragalintiisa.


Dr: Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlaya arrimahaasina waxa uu yidhi sidan:-

Waxaan maanta si adag ula hadlaynaa waa Komishanka, far-waaweyn waxaanu ku qoraynaa cabashadayada, far waaweyn waxaanu ku qoraynaa inaanu idin tusaalayno xilka Qaranku uu idinka sugayo.


Dalku wuxuu u Ruqaansaday wakhtigii Doorashada, wax allaala wixii Doorashada carqaladayn kara, wax allaala wixii shaqada aad wadaan habsami socodkeedda hakin kara waajibaad Qaran baa idinka saaran inaad toosisaan. Waxaanu idiin soo jeedinaynaa hadaydun dhagaysana hada inaad dhegaysataan oo aad monitor garaysaan Radio Hargeysa iyo telefishanka Qaranka.


Waxa ka soconayaa ma wax Dalka iyo Doorasho u adeegayaa? Mise waa wax shaqada aad wadaan iyo naxli abuuraya oo dadka kala kaxaynaya?


Talaabadaad ka qaadi lahaydeen xaqbaad u leedihiin, ha u malaynina inaydaan talaabo ka qaadi karayn. Takale waxa u kala ambabaxay Goboladda Udub kaambayn aydaan fasaxin ayay bilaabeen, gobol walba way tageen, waxa la yaab leh idinkoo Komishan ah oo daawanaya in Guddoomiyihii Ololaha ee Udub ay soo dhaweynayaan Badhasaabkii, ay soo dhaweynayaan Maayaradii, ay soo dhaweynayaan Ciidamaddii iyadoo la galbinayo loo gaynayo Dadweynaha oo saacad walbana laga sii daynayo Radio Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka halkuu maray, halakay mareen, halkuu maray….


Komishanka waxaanu idiin sheegaynaa haddii Axmed Siilaanyo maanta eray yidhaahdo oo uu u tago ka sii dayn maayaan ma sidaassaad raali ku tihiin? Maxaa Xisbiyadii kale ka maqnaysiiyay waxaa aad ka maqalaysaan Idaacadaha? Miyaydaan xaq u lahayn inaad tidhaahdaan joojiya dhan qudhaatay arrimuhu ka socdaan oo ka raran yihiine? Miyaan Badhasaabku ahayn Civil Servant, goormay badahasaabaddii Udub noqdeen? Idaacadan Udubta ah Badhasaabkan Udubta ah, maxaa tartamaya, tartanka cidan aad u qabanaysaan waa ayo? Dhanbaa raran, dhana waa aamusan yahay oo Gacmihii bay ka xidhan yihiin

Komishanka waxaanu leenahay aadbaanu idiinku han-weynahay sidaad maalmahaan wax u wadeen, waxaanse u aragnaa haddii arrintaasi aad ka sii aamusnaataan inay faraha ka sii baxayso oo wax aydaan waxba ka qaban karin ay gaadhi doonto. Waxaanu idinka codsanaynaa inaad wixii aad ka yeeli lahaydeen aad nooga soo jawaabtaan, iyadoo uu kusimaha Guddoomiyuhu hore idiinku soo gudbiyay qoraal arrintan ku saabsan balse aydaan ka soo jawaabin”

Arrintan ayaa qayb ka ah dhaliilaha Komishanka loo hayo oo haddii ay intii hore qarsoonaayeen haatan u muquunaysa in lagu dhiiranayo sidii shaaca looga qaadi lahaa iyagoo illaa iyo intii hawlahooda ay bilaabeen axsaabta ay dhex martay laba arrimood oo kala ahaa khilaafkii soo kala dhexgalay iyaga iyo Guddidii Farsamada ee kala shaqeeya Diiwaangalinta iyo qoraalkii uu Guddoomiyaha Komishanku Booliiska kaga codsanayay in xarumaha Axsaabta lagu xoojiyo Ciidamo ilaaliya Amnigoodda.

Xigasho: Waaheen

Articles
WALI DADKA REER AWDAL MAAYNAN GARAN XAQIIQDA JIRT
Waxaynu wada ognahay inuu siiraanyo xaqiijiyay oo uu cadeeyay malintii natiijada lagu dhawaaqay inuu uciildhicin doono waxii uu ku sheegay mujaahidi more
 
Qormooyin Taxane Taariikhi ah Qarnigii 19-20 aad A

Warsanmag-Waxa uu maqaalkani ku soo baxay Warsanmag March 7/2010.Waxana uu ka mid ahaa qormooyin taxane tariikhda Awdal Q more

 
Awdal waxay u baahantahay ciidan-beeleed iyo Dekad
May 03,2010

Warsanmag-Waxa Borama ka socda olole balaadhan oo la doonayo in wax l more

 
Danta Samaroon baa ka horaysa danta Somaliland...

WAXAAN AAMINSANAHAY DANTA SOMALILAND IYO DANTA SAMAROON INAY DANTA SAMAROON HORAYSO. Waxa wax aad loola yaabo ah inuu abtigay Maxamuud Cabdilaa more

 
Necessity is the mother of the Minnesota convocati
Mar. 30 - Salaanta guud wixii ka dambeeya. It is a sure thing that there recently has been a lot more
 
International News(Shabakadaha Warka) Sports Networks(Shabakadaha Ciyaaraha) School Help(Waxbarashada Caruurta) Cool Kids(Maaweelada & Madadaalada Caruurta) Somali Web Sites(Shabakadaha Soomaalida)

  Visitor number 281422