Jan 28,2010
Borama(Warsanmag)Munaasabad Si heersare ah loo soo agaasimay
ayaa maanta ka dhacday Hotel ka mid ah Hotelada Waawayn Ee magaalada Borama.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay Mas置uliyiin
Heer gobol, heer degmo, Salaadiin, Cuqaal, Culamawadiin, indheergarad, Dhakhaatiir,
dhalinyaro iyo Haween.
Munaasabadan ayaa ugu horeyn halkaa waxaa ka hadlay Mulkiilaha
Warshadan Halyeyga Reer Awdal/Salal. Pro:Maxamed C/Laahi yoonis(Maxamed Talyaani)
Waxa uu ka sheekeeyay Marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Warshadan maanta
la furay ee waxsoosaarkeegi ugu horeyn la hayo.
Waxa kale oo uu sheegay in ay warshadani soo saari doonto waxyaalaha la isku
qurxiyo oo dhan oo tayo sare leh, waxa kale oo uu sheegay in ay ka sameeyeen
Geedo ku yaala wadanka, kuwaas oo ah , DACARTA IY TIINKA.
Waxa kale oo uu sheegay in wajiga hore ay diyaariyeen , Shaanbooga jidhka lagu
maydho, Nadiifiye ama jaafeelka lagu maydho guryaha, iyo liifka Weelka lagu
maydho.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay wajiga labaad oo dhawaan bilaabi doono ay ku
rajo wayn yihiin inay soo saaraan, saabuunta jidhka,kiriimyada Jidhka lamarsado
iyo Biyo Saafiya waa hadii loo baahdo ayuu yidhi.
Sidoo kale halyaygu waxa uu sheegay in reer burco ay inaga haqabtireen Dhar
maydhista oo ay soo saareen Tiydh, Reer hargaysana ay naga haqabtireen Sharaabka,
anaga oo reer boramana an ka haqabtiri doono , Jidhka iyo guryaha ayuu yidhi
HALYAYGU.
Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Sh/A/Laahi Sh/Ali Jawhar,Suldaan X/C/raxmaan
Jaamac Dhawal/Cabdi Daahir Aye Cabdi Ata moo ka socday Amoud Foundation,Maareeyaha
Shirkada Dahabshiil Awdal/Salal X/Ismail Riiraash,Xaawa Rooble,Badhasaabka Gobolka
Awdal /Maxamuud Sh/C/Laahi, Wasiirka Warfaafinta Somaliland, wasiirka Qorshaynta
iyo Qaranka Somaliland, iyo wasiirka warshadaha.
Dhamaan dadkaas oo dhami waxa ay usoo jeediyeen mulkiilaha Warshadan mahadnaq
aan la soo koobi Karin, waxa ayna sheegeen in uu mudan yahay in waxsoosaarkiisa
la hirgaliyo oo reer Awdal/salal ay Bilaabaan Dabadeedna Somaliland goboladeeda
iyo tuulooyinkeeda oo dhan ay wada Gaadho.
Waxa kale oo ay Mas置uliyiintaasi sheegeen inay wanaagsan tahay ka dawlada
ahaan in la taageero Shakhsiyaadka noocanoo kale ah eek u soo kordhiya gayiga
horumar la taaban karo.
Dhamaan Mas置uliyiintii halkaa ka hadashay waxa kale oo ay mahadnaq usoo
jeediyeen Amoud Foundation oo todobaad ka hor ku wareejisay jaamacada Cammuud
Dhakhtar casriya oo ku kacay 1,7,00,000 $ waxa ay kawada dhawaajiyeen in todobaadkan
uu ahaa mid farxad iyo ididiilo u soo hooyatay Dadka ku nool gobolada galbeedka.
Runtii waxa la odhan karaa waxa uu halyaygaasi muujiyay karti iyo dadaal,loona
baahan yahay in lagu daydo Dadka qurba jooga ahi ee k asoo jeeda goboladan macdanteedii
gadhoodhsantahay ayaa looga fadhiyaa inay ku daydaan oo ayna keenin warshadan
mid la mid ah , ee ay badan tahay Suuqa warshaduhu, taas oo hadaan in yar faahfaahino
iaand keeni kartid warshada tamaat qasaaca soo saarta, warshada xanjada, warshada
nacnaca,warshada saqafta iyo muraayadaha, warshada fataatiirta , warshada kubadaha,
warshada buufimada, warshada siidhiyada ,warshada kabaha, boorsooyinka, warshada
ubaxa, warshada qalinka,warshada saliida, iyo warshada kaluunka habaysa.
Hadaba cida alla cidii danaynaysa horumarka gobolka waxaas oo fursado ah ayaa
yaala dhulka oo ay ka maqantahay waxsoosaaarkii macdanta.
Hadaba hadii aad doonayso inaad soo gaadho ama aad usoo dhawaatid HALAYAYGAN
recordka uu dhigay ka faa段idayso fursadaha qaaliga ah ee yaala goboladii
aad ka soo jeeday, yayna ku dagin siyaasad soconaysa waqti yar oo gaaban,
Akhristow Biilka aad soo diraysid waxaa ka faa段do badan tukaan aad usamayso
cidi aad biilka usoo diraysid, Biilqatahana yayna ku dagin Boqolka Dollar ee
Dhididka iyo rafaadka lagu helayaa la garan karo.
Guntii iyo gabagabadii maanta waa MAALIN WAYN Bulshada reer Awdal/Salal unoqtay
taariikhda warshadii ugu horeysay ee casriya lagu furay Gobolka iy degmada gabi
ahaantii.
FG. Warsanmag iyo Alnuur waxay habaliyo u dirayaan Injineer Talyaani oo warshadan ka furay Borama.
Source: BNN