|
| 30 Kii January 1984 Dukheyntii Borama Xasuus.
| | | Jan 30,2010
Borama-(Warsanmag)-
Waxay aheyd subax isniineed 30kii january 1984 .Xilligu
waa jiilaal ,dhulka oogadiisa oo dhan waxaa ku shaqlanaa dhedo iyo ciiro ay soo
jiiteen buuraha dhaadheer ee magaalada ku xeeran .Dadku nabad ayey ku waabariisteen
intooda badanina waxay ku foofeen hawl maalmoodkoodii ,ganacsatadu waxay fureen
iridihii meheradahooda ,dadkuna waxay bilaabeen wax kala iibsi .Waxay aheyd goor
ay bulshadii miyigu iyagoo wada waxyaabihii noloshooda iyo magaaladaba lagama
maarmaanka u ahaa sida:Subagga ,caanaha,qoryaha ,dhuxusha iyo xoolahaba ay ku
soo beegnaayeen badhtamaha suuqa.Waxay aheyd wakhti intii safreysay iyo intii
sagootineysayba ay is lahaayeen tusan iyo macasalaama.Wakhtigaas ardeyda
iyo macalimiintuba waxay ku hawlanayeen dhigita iyo dhageysiga casharada dugsiga.
Cidina ma fileen wax dareen colaadeed ooo ku soo fool leh. Hase yeeshee waqti
ay saacadu aheyd tobankii subaxnimo ayaa dadka qaarkii ay maqleen guux ,dareen
weyn baa galay dadka ,hase yeeshee samada waxba lagama arkeyn oo dhedo iyo ciiro
ayaa weli ku shaqlaneyd buuraha figtooda.Guuxii waa uu soo dhawaaday dadkii oo
dhamina sakati iyo werwer ayey dhagaha la taageen ,cidise ma haleelin dhaqaaq
ka badan dhowr talaabo .waxa markaliya isha lagu dhuftay oo soo kulay dadkii raxan
diyaaradaha dagaalka oo ka soo dhex baxay ceeryaantii kuwasoo soo laalaadiyey
gantaalihii iyo bombooyinkii ay xambaarsanayeen .Magaaladii oo dhan waxa qariyey
siigo,olol onkod iyo dayaan is wata oo dadkii oo dhan ku riday argagax naf iyo
noloba ka quusiyey.
Isla maalintaa isniineed saacaddu markay aheyd 2:15 (labadii iyo rubuc )ayaa Radio
muqdisho warkiisii dhurnimo lagu sheegay in dayuuradaha dagaalka ee maamulkii
Mingistu ee Ethopia ay weerar ku soo qaadeen degmada Borama iyo tuulada Goraya
Cawl oo ka tirsan degaanka gobolka Awdal .Weerarkaas bahalnimada waxa geystay
lix dayuuradood oo ah ku dagaalka oo noocoodu ahaa mig 21 iyo miig 23.Isugeyntii
dadkii ku dhintay weerarkaas waxa ay gaadheen 70 qof oo 37 ka mid ah ay ahaayeen
ardeydii dugsiyada hoose ee degmada Borama..kuawsoo da,adoodu udhaxeysay 6-14
jir iyo afar macallin oo shaqo qaran ahaa.Waxa kaloo ku dhaawacmay 110 kale oo
iskugu jira arday iyo shacbiga ba.,iyadoo isla markaana ay burburiyeen 70 guri
iyo afar dugsi oo hoose /dhexe iyo xaruuntii xanaanada caruurta (MCH)
Intayadii warkaas dhageysatay ee xamar ku nooleyd waxan la istaagnay naxdin iyo
argagax iyadoo qofwalba oo reer Awdal ahi ka fakarayey sidii war intaas ka faahfaasan
loo heli lahaa .Waxan dabadeed tagnay boostii Xamar ee Telefoonada halkasoo reer
Awdal ay saf ugu jireen .waxa noo suura gashay in ogaano in adeerkay oo aan guri
wada daganeyn oo la yiraahdo Maxamed Cabdilaahi mixile nasiib daroo ay walaashii
oo sadexani ku jirtay dadka ku geeriyooday weerarka .waxay ilmaheeda ka soo kaxeysay
xarunta xanaada caruurta midna dhabarka ayey ku siday markii weerarku haleelay
,halkaas ayaa saddexdoodiiba ay ku dhinteen(alaa yarxama).waxan usoo baxnay Arbacadii
socdaal aniga iyo mixile iyadoo dayaaradan ay saarnaayeen dad reer Awdal oo sidoo
kale qoyskoodii geeridu ku dhacday.waxan nimid Hargeysa oo aan markiiba dhaafnay
si aan tacsida ugaarno .Dhamaan baabuurta Hargeysa ka baxeysay waxay sideen dad
gurmad oo ka kala yimid gobolada dalka .
Dadka magaalada waxa ka muuqatay jawi geeri, argagax iyo naxdin ,inteeda badanna
waxa magaalada qariyey teendheeyooyin laga dhisay guryaha hortooda oo lagu qabanayey
tacsida.waxa se la isku gubabinayey in samir iyo dulqaadka lagu dadaalo.Sarkaal
ka tirsan bangiga demada boorama ayaa ii sheegay in weli uu naxsanyahay waxa uu
yidhi "waxa ku jiray baangiga mar qudha ayaa albaabadii iy daaqadihii ay
soo dhaceen gantaal nagu dhacayna ma jirin".
waxa magaalada yimid wufuud badan oo ka tirsanaa xukuumadda iyo ku shisheeha oo
ka kala socday safaaradaha Masar ,Mareykanka ,Shiinaha,Ingiriiska ,Faransiiska
iyo kiiniya kuwasoo tagay
oo booqday xabaal wadereedii (mass grave) lagu aasay dadka.iyagoo weliba ubax
dhigay taalo loo qoondeeyey in lagu xasuustoo xasuuqaasi bahalnimada ah .waxa
kaloo yimid weriyaal isku jira soomali iyo ajnabi ah .Gabadh
ka tirsaneyd wariyaasha oo ka socotay TVga magaalada Henlay oo ay Borama mataano
yihiin ayaa ii sheegtay "inay ilmeeysay markii ay cusbitaalka boorama ku
booqatay dhawacii oo ku jirtay gabadh yar oo sideed jir ah oo ku indho beeshay
weerarkaas"
Gudoomiyaha golaha degaanka degmada Borama Sh Cabdillaahi SH Cali Jowhar ayaa
ii sheegay"in weerarkan lala beegsaday dad caruur iyo maato ah oo aan waxba
geysan (soft target )ka soo ka baxsan aadaminimada,waxanu urajeeyey in samir iy
iimaan ka siiyo dadka reer Borama intii dhimateyna ilaahay unaxariisto "
Odhaahda qoraha:
waxan qoraalkan sameeyey 24 sanadood markaa uu weerrarkani dhacay waxana uu hordhac
u ahaa buug aan qoray markii aan ka noqday gurmadkaas oo magaciisa la yiraahdo
Awdal 1884 soona baxay 1986 .kasoo aan si qoto dheer ugu lafo guray Awdal iyo
qarnigii 19aad oo kasoo bilaabmay 1884 markii shisheeyuhu ay arimaha dhulkeena
ay faraha la soo galeen .Wakhtigaas odayaasha Gadabuursi waxa ay ingiriiska la
seexiideen Heshiis(Anglo-Gada Treaty of 1884) inkastoo ingiriisku aanu fulin oo
uu khayaameeyey ,dhulkoodiina uu bixiyey .waxa dhacdadani ay xidheysaa hal qarni oo ku beegan
(1884-1984) oo cadawgu baabiiyey dawladnimadii Awdal iyo magaalo madaxdii xukuumadii
Awdal(Seylac) oo soo jirtay qarniyaal badan.
Waxan mar hore idiin soo bandhigay qoraalo dhowr ah oo ku saabsan taariikhda Awdal
ee qarnigii 19aad oo kusoo baxay Warsanmag.com.iyo Somalilandeye kuwasoo qeyb
ka ah buugaas taariikhda ah ee Awdal 1884.
waxan mahad ucelinayaa tifatiraha Borama News oo sanadkii hore isku hawlay inuu
xasuuqaas 30kii january soo bandhigo iyo Dhalinyarada kale ee Mukhtar brothers
oo inoo soo bandhigay sawirada caruurtii ku geeriyootay weerarkaas sanadkii hore.
Mohamed dhiirane
| |
|