Feb 04 2010
Waxa maalmahan shabakadaha ku xardhanaa, su'aalo iyo
jawaabo khuseeya qabsoomidda shirkaasi. Si adagna waxa la isku dhaafsaday hadallo
iyo ra'yiyo kala jeeda. Waxana lagu soo nashriyey qaar ka mid ah Shabakadaha
reer Awdal ay maamulaan. Laakiin qofna kama hadlin wax la taaban karo oo cilmi
ku fadhiya hadday noqon lahayd ra,yi dhex dhexaad ah amma talo. Mana xuma in
qof walliba ra'yigiiisa hadlo oo uu dadkiisa u soo bandhigo. Haddiise uu ku
karaamo beelayo waxa habboon in uu ka joogsado, mana geyo in loo jawaabo.
Si kasta ha ahaatee, su'aasha ahayd AYAA SHIRKAN KA DAMBEEYA ayuu ninka qoray
waxa uu haddana qoraalkiisa kaga jawaabay ra'yigiisa, isaga oo u eg in uu difaacayo
dawladda Soomaliland amma uu shirkani ka dhigayo mid ay ka dhex shanqadhayso
Somaliweyn. Laakiinse ay taasi tahay uun dacaayad iyo war aan waxba ka jirin.
Waxase fikir la taaban karo u eg in la yidhaa, waxase habboon in la tilmaamo
shirka wakhtiga la cayimay iyo ololaha doorashada Soomaliland oo foodda isku
haya. Taasi oo dadka siyaasadda saadaaliyaa ay ula muuqato in uu shirkani saamayn
badan ku yeelan karo sumcadda iyo ololaha Musharrixiinta. Laakiin lama garanayo
musharraxa uu dan u yahay. Dhanka kalena waxa ay siyaasiyiin badan oo kalena
ay u arkaan in uu Shirkani shacabka dan u yahay.
Marka wakhtigan la eego siyaasadaha qabiil ee ka socda docaha amma beelaha Somaliland,
ayaad arkaysaa in ay qolaba maalin shirayaan, wax shirkooda ka maanacayaana
aanay jirin. Nin amma Gabadh ka mid ah oo diiddan in la shiraana aanay jirin.
Waxana aan aragnaa immiga in ay socdaan shirarka beelaha Bari. Horena ay u dheceen
shirar ay Beelaha dhexe dibadda iyo gudahaba ku qabsatay. Intabana waan soo
dhaweyneynaa, haddii aanay u hoosayn damac qaldani. Reer Soomaliland iyo Somalida
kalena way ixtiraamaan shirarkaasi, beel walliba xaq ayey u leedahay in ay danaheeda
ka tashato.
Wada tashigan beelahaasi midna looma tirin in ay raadinayaan Soomaliweyn amma
in ay carqalad ku noqonayaan jiritaanka Somaliland. Balse ay beel walliba doonayso
in ay talo midaysan yeelato. Sidaasi daraaddeed haddii beelaha Galbeed ay yeeshaan
gole ay taladooda ku soo ururiyaan isla markaana loogu soo hagaago. Taasi oo
noqonaysa mid wax ka taraysa siyaasadda nabadda ku dhisan ee Soomaliland ee
beeleheedu hore u guddoonsadeen. Isla markaana caawin karta baahida ay dadku
u qabaan hoggaan toosan oo caddaalad ku dhisan.
Dhinaca siyaasadda waxan aamminsanahay in danta shakhsiga ahi ay ku jirto ta
guud, sidaasi daraaddeedna ay habboon tahay in ta gaar la dambaysiiyo, lana
hor mariyo ta guud. Iyada oo laga duulayo cimriga ay ta shakhsi leedahay iyo
cimriga ay ta wakhtiga dheer jiraysaa ay leedahay.
Haddii aan u soo noqdo, su'aalaha la is weydiinayo iyo sida ay ila tahay, waxa
aan talo soo jeedin lahaa:
Waa ta horee, waxba kuma jabna haddii la isku tanaasulo, oo wakhitiga shirka
amma ha la isku raaco in wakhtigii la ballamay la qabto amma dib ha looga dhigo.
Inkastoo aanan waxba ka ogeyn maamulka arrinta gacanta ku hayaa sida uu isu
waafajin karaan duruufaha ku xeeran shirka iyo wakhtiga uu qabsoomi karo ee
ay farsamo ahaan ugu talo galeen.
Ta labaad waxa ila qumman in wada tashi badan laga yeesho wixii mad-madow keeni
kara, oo aanay meesha soo gelin is riix-riix iyo tafaraaruq ay casabiyadi weheliso.
Taasina waxa mas'uuliyaddeeda iska leh guddiga is magacowday ee hawsha faraha
ku haysa....dul-qaad ayaana looga baahan yahay.
Ta saddexaad waxa aan ku talin lahaa in xidhiidhka iyo hawsha taladeeda ay gacanta
ku qabtaan muddakarka bud-dhigga u ah fikradda shirka, laakiin aan lagu sii
dayn uun da'yarta....kolba xiisaysa waxa ugu dambeeya amma la weec weecin karo.
Intaa haddii aan ku soo gunaanado taladaasi, aan haddana raacsado AYAA ka dambeeyey
shirkan. Iyo Ujeeddada uu ku qotomo.
Shirkani waxa uu fikirkiisu jiray illaa iyo muddo fog, horena wax baan uga qoray,
waana mid ka dhashay baahida jirta, looguna danaynayo guud ahaan wada noolaashaha
bulshada Somaliland. Mana jirto fikir odhanaya waxa ku hoos jira Somaliweyn.
Waxanan aamminsanahay shirku wax shaqo ah in aanu ku lahayn Siyaasad, Sh. Shariif
mid loo xidhiidhiyana maaha. Hoggaamintiisna waxa aad uga wada tashaday aqoon
yahanno la yaqaanno, oo ku nool dunida horumartay. Taladii ay fikir ahaan isla
gaadheenna waxa ay u qaateen qalinka iyio warqadda, waxanay diyaariyeen istiraatiijiyaddii
iyo qaabkii shirku u soconayey.
Mana jirto cid duullaan lagu yahay iyo beel ka maqan oo loo diiddan yahay. Sidaasi
daraaddeed, ma qummana in laga hor dego amma laga sheego dacaayad aan meesha
qaban, oo noqon karta mid sharaf jab ku keenta wada tashi ay yeeshaan beelaha
Galbeed.
Ugu dambayn waxa aan ammaan mudan, dhammaanba aqoon yahannada isku hawlay in
ay ka fekeraan danaha iyo talada dadkooda, iyo ururrada samafallada ah ee iyaguna
u darban wax qabadka ummaddooda...sida AMOUD FOUNDATION, ARDAA , IQRA , ADA
iyo qaar kaloo badna....ururradaasi oo aan ku dhiirri gelinayo in ay qayb libaax
ka qaataan horumarka bulshadooda iyo dalkooda.
Ahmedweli Goth
UK