warsanmag.com

Idinkuba caqlaad leedihiine reer Adalow Awdal State maxaa inoo dhaama?

Tan iyo maalintii maamul goboleedka Somaliland calankeeda la taagay, dad badan bay ku cuslayd arintaasi oo garanaayay inay awr ku kacsi tahay, arin balaayo lagu qarinaayo oon marnaba daacadnimo dhuuxeeda ku jirin. Dadkaasi dacwadoodu waxay saldhigaysay inaanay SNM aaminaad waxeegu laheyn islamarkaana meel dheer wax ka arkaayay oo ogaa inay ujeedo ka dambayso.

Maanta waxa hubaal ah inaan wada garaneyno waxay ku dambaysay dowlad goboleedkii Borama lagu abuurey ee lagu magacaabey Somaliland. Somaliland manta waxay ku sifeysan tahay; Damiir xumo, cadaalad la'aan, musuqmaasuq, kali cun, qabiil takoor, kibir ku salaysan wax ismood, wixii Afwayne riday ku dayasho iyo maamul xumo u dhow iney beelaha iska hor keento. Inta aanan sii dheeraan aan idin xasuusiyo maqaal aan qoray May 2007 oon kaga hadlayay wakhtigaa waxa u qarsoonaa dowlad goboleedka qabiilaysan ee Somaliland. Inyar oo ka mid ah qoraalkaasina waakan:

Sunday, May 13, 2007 (Ruthless betrayel of Awdal)

Somaliland Gangs

"It is becoming apparent day after day that the agreed upon policy of the foundation of Somaliland is being hijacked by elements whose doctrine is embarked upon an ideology adventure which threatens the future of the Republic. These ego-centric gangs are slowly and dangerously moving the republic towards a clan state where selfishness, greed, injustice and dominance are becoming the state norm. Elements whose doctrine states to wield control onto others and whose motto are to establish a clan (Isaaq) empire to bend the will of others. .." Dugsiye

Akhristow bal u fiirso taariikhda qoraalkaa. Waa sanado ka hor (2007). Bal hadana u fiirso waxa maanta ka socda maamul goboleedka Siiraanyo. Hadana xasuuso maahmaahdii qaaliga aheyd ee odhaneysay;

"qofka garan waaya wixii maanta jiraa waxa soo socdana ma garto..."

Walee waa run. Garan waynay barigaa ololaha la bilaabay iyo wixii lagu tala jiray ee la qorshaynayay. Maantana wataa dhacday oo awrkii la kici reer Adalna (Awdal iyo Salal) loogama baahna dowlada SNM-ta.

Akhristow bal xisaabtan oo qiyaas waxa ay ku qabto Awdal iyo Salal maamul goboleedka Somaliland. Anigu mid qudha garan waayey ee hadii aad garaneyso wax ay reer Adal ku qabaan maamul goboleedka Siiraanyo oon aheyn sharaf xumo iyo magac daro dadka u sheeg.

Waxay manta reer Adal (Awdal iyo Salal) oo ahaa tiirka dhexe ee gurigii lagu magacaabey Somaliland ee Borama dhidibada loogu aasey marayaani waa wax lala yaabo. Akhristow waxay reer Adal marayaan in shirka beelaha Samaroon lagu tilmaamo shirqool halka ay beelaha Isaaqna hadh iyo habeen shirayaan oo waliba la inoo balbalaadsho oo la inooga dhigo sharfaan shireysa. Runtii waa wax cajiib ah oo lala yaabo.

Shirka beelweynta HabarCafaan ee Isaaq ku tilmaamay shirqool waa aflagaado iyo cay loola badheedhay Gadabuursi dhamaantii ee ha la ogaado. Cabar-cafaan way shiri, shirina doonaan ee hadii ay taasi ku hayso dhibaato beelaha diidan iyo dowladooda yagay jirtaa halkay dawo u doonan mushkiladna kuma hayso Samaroon cadhadoodu.

Waa arin kale oon la yaabee akhristow bal u fiirso halka aan mareyno. Wadaadka Gadabuursi ee dar Ilaahey diintiisa u adkeeya ma xaqbaa in maamul goboleedka Siiraanyo u sareeyo ku tilmaamo Al-shabaab halka kooga gadhka dheerle ee runtii u adeega Al-shabaabna la yidhaahdo waa shariif suldaan ah oo aan ri gees ka rideyn. Waa halkoodiiye waar bal nasladan eega!!!!

Ankusoo halqabsado ninkii reer Xamar ee laga sheegay inuu yidhi; Cimrigaaga oo raagaa Geel dhalayna wuu ku tusaaye bal akhristow ma xaqbaa in dhagar qabayaashii dadka masaakiinta ah ee reer Awdal laayay Siiraanyo mushahar u qoro oo la naas nuujiyo kuwii ay agoomaha ka dhigeena dugsiyada loogu dhigo iney yihiin geesiyaal xoreeyay Awdal. Bal qalabaa gadiskan Siiraanyo u fiirso!!!

Badin maayee mid qudha oo kale oo ah meesha aan mareyno hadii aanahay reer Adal an sheego akhristow ee bal u fiirso ma xaqbaa maalin oo dhan hadh iyo habeen dhageyso sheekadii beenta aheyd ee SNM hadii aad wax ka sheegto oo damiirkaagu diidana jeelka Borama bustahaaga u qaado. Waar bal nasladan kaalaya eega sootan reer Adal SNM ku huftay maaha!!!

Akhristow wax kale qori maayo ku aadan meesha aan mareyno iyo dhibta aan ku qabno maamul goboleedka Hargeysa waxana hubaal ah hadii aan qodob qodob u bayaansho dad iska daayoo daayeerta Afrika gunteeda ku nool ayaa ilmeyni ee reer Adalow mid qudha aan idhaahdo;

Runta aan isku sheegno reer Adalow. Nin mishaaro ka qaata Siiraanyo danaheena guud yaynaan ku seegin. Magaca inaga dhaxeeya iyo sharaftiisa ma ka badbaadin karnaa Siiraanyo? Mustaqbalka caruurteena maku qabsan karnaa gamcaheena? Ma diidi karnaa dulmiga Siiraanyo dowladiisa? Khayraadka dhulkeena ee uu Siiraanyo shisheeyaha ka gadaayo ma u diidi karnaa? Wada jir ma ugu dadaali karnaa wanaaga dadkeena iyo dalkeenaba? Hadii aan rabno reer Adalow wanaageena, Awdal State oon taageeradeena iskugu gayno weeyi dawadeenu.

Iskusoo wada xoori;

Reer Adalow - (Awdal, Salal iyo Gabiley) Maanta hadii aan caqligeena la kaashano ma jirto wax inoo dhaama Awdal State oon wada jir u taageerno, hagrasho la'aana u dhisano ee damiirkiina iyo qalbigiina dhageysta oo sameeya waxay rabaan. Reer Adalow iska dhaafa wareerka dowlad goboleedka Siiraanyo oo sidan ha la yeelo:

Salaamu calaykum hana la ogaado ineyna jirin wax inoo dhaama Awdal State.

Suleiman A. Dugsiye