Contact us

warsanmag.com -- (Warsan iyo Weedhsan)

About us

Hoteelka Afris ee Walaalaha

National Capital Freenet Ottawa

Bayaan ka socda Xafiiska madaxtooyada Awdal State


Waxa xusid mudan in aduunweynuhu guud ahaan ogsoonyahay gaarahaana Ummada Soomaaliyeed ogsoontahay in Somaliland ku abuurantay heshiis nabadeed iyo wax wada qabsi oo ay gaadheen qabiilooyinka ku nool amma dagan woqooyiga Soomaaliya (Borama 1993). Waxa kale oo xusid mudan in heshiiskii nabadeed iyo wax wada qabsigiiba jabay ka dib markii dowlad goboleedka Somaliland ka daneysatay beelihii darifyada oo ay ka leexatay horseedeyna inay Somaliland noqotey wax gacan beel qudha ugu jira.

Xeerarka aduunweynaha guud ahaan u yaala iyo ta beelaha Soomaaliyeed dhaqan ahaan u yaala oo ay xoojinayaan garaadka fayow ee ibnu aadamku ayaa si qayaxan u tilmaamaya iney ummad walba amma beel walba xaq u leedahay inay ka tashato mustaqbalkeeda. Sidaasi waxey tilmaameysaa iney beelaha darifyada ee dagan gobolada galbeed iyo kuwa bari ay xaq u leeyihiin iney ka taliyaan mustaqbalkooda kana tashan karaan halka mudan ee ay u jeedinayaan masiirka dadkooda iyo dalkoodaba.

Sida la ogsoonyahay gobolada galbeed (Awdal) ee woqooyiga Soomaaliya yaga oo ka tashanaya mustaqbalkooda iney ku dhawaaqeen dowlad goboleedka Awdal State sanadkii hore ee 2011. Sidoo kale gobolada bari ee SSC yaguna todobaadkii hore dabayaaqadiisii ayay aheyd markey ku dhawaaqeen maamul goboleed ka talinaya aayaha dadkooda.

Taas macnaheedu waxay tahay in beesha dhexe ku hadhey dowlad goboleedka Somaliland. Islamarkaana cadeyneysaa in maamulka uu horjoogaha ka yahay Siiraanyo ku egyahay xuduudaha dowladiisu la leedahay gobolada galbeed (Awdal State) iyo kuwa bari (SSC).

Maamulka Awdal State ee Soomaaliyeed waxay u taagantahay;

  • Nabad ku aadan Guud ahaan Soomali oo dhan
  • Nabad ku aadan dowladaha ay jaarka la tahay
  • Wada noolaasho saldhigeysa walaaltinimada Soomaaliyeed
  • Jaarnimo ku dhisan ixtiraam iyo xushmo iyo isqadarindhexdooda ah
  • Taageero u dhaxeysa Somali sida diinteena iyo dhaqankeenuba ina farayaan
  • Soo nooleynta wanaagii iyo wada noolaashihii Soomaaliyeed
  • Dib u dhisid nidaam xukum oo Soomaali ka dhaxeeya (Federal Government)
  • In beelwalba loo daayo laguna ixtiraamo xukunkeeda hoos ahaaneed (beeleed amma goboleed)

Anaga (Awdal State) oo ka duuleyna qodobada sare aan ku xusney, waxaan bulshada caalamka ee nabada jecel u sheegeynaa in dowlad goboleedka Somaliland ee uu horjoogaha ka yahay Siiraanyo iska indho qabaneyso xaqa ay dadka reer Awdal State u leeyihiin iney mustaqbalkooda ka taliyaan gamcahoodana ku qaataan hagaajinta aayaha Awdal State. Sidaa darteedna ay duulimaad dowlada Somaliland ku tahay shicib weynaha reer Awdal State.

Waxaan islamarkaa bulshada caalamka ee nabada iyo xoriyada jecel u sheegeynaa in dowlad goboleedka Somaliland u xeydatey iney is hor-taagto rabitaanka reer Awdal State. Iney dowlad goboleedka Siiraanyo u xeydatey cabudhinta rabitaanka dadka nabada iyo dimuqraadiyada jecel ee reer Awdal State.

Anaga (Awdal State) oo hore u gaadhsiiney aduunweynaha nabada jecel hadana gaadhsiineynaa in uu horjooguhu (Siiraanyo) hanjabaad iyo cagajugleyn ku hayo ummada reer Awdal State. Waxaan aduunweynaha nabada jecel u sheegaynaa in uu ciidamo dul dajiyay Awdal State si uu u cabudhiyo rabitaanka shicibka.

Waxaan fareynaa ummada reer Awdal State meel ay joogaamba;

  • Iney nabadgalyada (Security) dadkooda iyo dalkoodaba wadajir uga shaqeeyaan
  • Iney difaacaan dadkooda iyo dalkoodaba
  • Iney difaacaan aayaha caruurtooda iyo mustaqbalka ummadooda
  • Iney diidaan in Siiraanyo jeebka ku qaato
  • Iney diidaan in beeli ka taliso mustaqbalkooda iyo ka caruurtoodaba
  • Iney diidaan in kheyraadka dhulkooda beeli u tashato
  • Iney isku duubnaadaan oo wadajir isku difaacaan
  • Iney waajib ku tahay iney xaqooda, ka caruurtooda iyo ka carradoodaba difaacaan

Waxaan ugu dambeyn uga digeynaa maamulka Siiraanyo ee heehaabaya inay faragaliyaan rabitaanka ummada nebada jecel ee reer Awdal State. Waxaan islamarkaa fareynaa iney ciidamadooda kala baxaan dhamaan carrada Awdal State. Waxaanan u sheegeynaa inaan xaq u leenahay inaan dakayaga iyo dalkayagaba difaacno. Waanan karnaa oon karnaa oon waliba karnaa...

Wabilaahi towfiiq

Guul iyo wadajir

Xafiiska madaxtooyada Awdal State

Suleymaan C. Dugsiiye