|
Contact us
|
|
|
|||||||
|
About us
|
|||||||||
|
|
|
Gardaranaa dowlad goboleedka
Somaliland -- Adiguba garta qaad!!! You be the judge!! Sida la ogsoonyahay een qarsoodi laheyn waxa hubaal ah iney rajo xooglii
jirto ku aadan dib usoo nooleynta Somali-weyn. Rajadaa oo ka dhalatay
dadaalkii caalamku ku jirey labaatan sanadood in ka badan oo hada u muuqda
in dariiqii haboonaa lagu dhacay. Qorshaha Somali-weynta cusub ayaa sida la ogsoonyhay ku salaysan dowlad
"federal"
ah oo Somali u dhaxeysa lagana curin doono dowlad goboleedyada hada ka
jira dhulkii la odhan jirey Somalia. Woqooyiga Somalia dowlad goboleedyada ka jira oo kala ah Awdal State,
SSC iyo Somaliland dhamaantood wey ogolyihiin in Somali-weyn lagu
noqdo oo la sameysto dowlad federal ah oo guud ahaan maamusha wadanka
oo leh xeer u gaar ah islamarkaana beel walba gobol keeda loo ogolaado
maamulkeeda gudu ahaaneed. Arintaasi waa himilada Awdal State
oo maalintii lagu dhawaaqey ayay shaaca ka qaadey in ujeedada Awdal State
saldhigeyso Somali oo dib u heshiisa oo maamul federal ah oo u dhaxeeya
gobolada la taageero beel walbana noo dhaafo arimaheega daakhiliga ah. SSC sidoo kale weeyi oo
taageero buuxda ayay ku dhawaaqdey ku aadan iney danta guud ee Somali
ku jirto isku duubni iyo dowlad federal ah oo si heshiisle loo abuuro. Somaliland hadii aan u leexdo,
himilada maamulka Hargeysa dad kuun bey ka qariyaane waa cadaan waana
lawada ogsoonyhay iney u Socdaan oo ay taageersanyihiin Somali-weyn
soo nooleynteeda. Arintaa Somaliland ku noqod keeda Somali-weyn waxa cadeyn
kara:
Qodobadaa kor aan ku xusey waxey tilmaamayaan iney dowlad goboleedka
Somaliland u xadhko xidhatay in reerka loo raro Xamar-weyn. Maxay isku diidanyihiin dowlad goboleedyadu; Su'aashuse waxay tahay kol hadii dowlad goboleedyadu ogolyihiin in dib
loosoo nooleysiiyo Somali-weyn, maxay isku diidanyihiin oo ka dhaxeeya
Dowlad goboleedyada Somaliland iyo labada Awdal State iyo SSC oo dhan
kasoo wada jeeda? Si aan uga jawaabo su'aashaa tusaalo aan usoo qaato sheeko aan wada garaneyno
oo ku haboon arrinta siyaasadeed ee Somaliland ay ku diidan yihiin Awdal
State iyo SSC. Waxa la yidhi waraabuhu raqdiisa god buu la galaa amma meel cidlo ah
oo uu is yidhaahdo lugu arki maayo ayuu la tagaa si ay raqdu gooni ugu
ahaato. Waxuu kalidii raqaba marka uu libaaxu ogaado ayuu isku meereystaa
oo afka cirka u taagaa oo uu qeylo kala waaxaa. Libaaxuna ileen waa la
isgaranayaaye uma naxariisto ee kali cunkii waraabaha wuu u dhameeyaa.
Sidaa waxa ka dhigan dowlad goboleedka Somaliland oo gooni u xidhatay
gobolada galbeed iyo bari oo raqeysey labaatankii sanadood ee u dambeyey.
Hada markey soo baxdey soo nooleynta Somali-weyn waraabihii Somaliland
wuxuu rabaa inuu raqdii oo ah gobolada galbeed iyo bari gooni u heysto
ooney ka hoos bixin oo uu duuduub ula guuro ilaa iyo Somali-weyn. Libaaxyada
Awdal State iyo SSC ayaa gaashaanka u daruurey oo u diidan
waraabaha Somaliland inuu raqda gooni u heysto islamarkaana Somali-weyn
ku biiro. Taasi waxey kicisey qeylada kasoo baxeysa dowlad goboleedka
Somaliland sadexdii todobaad ee u dambeysayna si gaar ah qeyladu ugu jeeday
xaga Awdal State. Gardaranaa dowlad goboleedka Somaliland; Waxa lawada ogsoonyhay in Somaliland markeedii hore ku abuurantay heshiis
dhex marey qabiilooyinka daga waqooyiga. Waxa islamarkaa la ogyahay iney
beesha dhexe ka leexatay heshiiskii oo Somaliland ku dambeysey dowlad
beeleed oo meeshiiba ayka saareen qabiilooyinka darifka ee Gadabuursi
iyo Harti. Maanta cid diidani majirto iney Somaliland tahay
dowlad goboleed masileysa dadkeeda ku abtirsada. Kol hadii Somaliland isku badishey dowlad goboleed qabiilooyinka darifkuna
xaq bay u leeyihiin dowlad goboleedyo masila dadkooda. Arin maaha dowlad
goboleedka Somaliland iney qariso qabiilooyinka kale oo ay ku andacooto
iney woqooyiga oo dhan masilaan. Taasi waa waxa keenay iska hor imaadka
dowlad goboleedka Hargeysa iyo
dowlad goboleedyada Awdal State iyo
SSC oo meel kasoo wada jeeda. Waxa la isku heysto - Moronka
ka dhex taagan dowlad goboleedyada Waxa la isku heysto waxa weeyi Hargeysa oo rabta iney ku tagaan Xamar
dowlad goboleed masileysa waqooyiga oo dhan. Waxase aan la qarin Karin
iney waqooyigu ka koobanyahay qabiilooyin ooney aheyn meel beesha dhexe
leedahay. Qorshaha soo nooleynta Somali-weyn ayaa ku saleysan oo ahna
sida ugu haboon ee Somali ku hagaageyso iney dowlad goboleed walba wakiil
ka noqoto dadkeeda. Sidaa daraadeed damaca qaawan ee beesha dhexe waa waxey ka dhiidhiyeen Awdal State iyo SSC. Mana aha mid suura gal ah iney beesha dhexe wakiil ka noqoto woqooyiga oo dhan. Hadii ay cid masileyso waa iney masishaa dadkeeda oo ah beesha dhexe. Awdal State na masisho Gadabuursi. SSC na wakiil ka ahaato dadkeeda. Awdal State baa diidey in la qariyo dadkooda. Awdal State baa diidey in loo turjumo dadkeeda. Labaatan sanadood baa Somali arinteeda lagu daalay. Waxayna u egtahay iney dawadeedu tahay in maamul guud oo ka dhexeeya la sameeyo (Federal government) islamarkaana la ogaado oo la hubiyo ineyna beelina u talin Karin beel kale. Beelwalba ku ekaato maamulka gudaheeda. Hadii an si kale u dhigo in loo
aaso dhidibada dowlad guud oo xeerkeedu u gaar yahay iyo dowlad goboleedyo
maamulkoodu gaar u ahaado oo xeerkooda iska leh laguna ixtiraamo. Iskusoo wada xoori; Waraabaha Somaliland labaatan sanadood buu gooni u heystay raqda oo ah
gobolada galbeed iyo Bari (Awdal/Salal iyo SSC). Libaaxyada Awdal State
iyo SSC ayaa diiday inuu waraabuhu raqda ula guuro ilaa Somali-weyn.
Caalamkana u sheegay iney Awdal State iyo SSC gobolada
galbeed iyo bari ka wakiil yihiin. Murtida hadalku waxa weeyi; Somaliland haku ekaato maamulka beesha dhexe. Awdal State haku ekaato maamulka gadabuursi. SSC na haku ekaato maamulka harti. Maamul walba haloo daayo wixiisa. Suleyman C. Dugsiye |
|
||||||