![]() |
warsanmag.com |
![]() |
![]() |
|
![]() |
Maalin baa iman doonta oo mana dheera ee ha ogaadaan Reer Awdal State Sida wararku sheegayaan tan iyo maalintii lagu dhawaaqey Awdal State gaar ahaan bishan u dambeysa, dowlad beeleedka Somaliland arimo cusub ayay bilowday. Arimahaas oo ah dardar cusub barnaamijyo ay ku magacaabeen taariikhdii dhagar qabayaasha SNM oo laga dhigayo geesiyaal xoreeyay Awdal. Dadka Somalida ah ee geeska Afrika dagan waxay la yaabanyihiin kharashka dowlad beeleedku ku bixisay sii deynta barnaamijkaa yaga oo isticmaalaya telifishanada, raadyooyada iyo joornaalada oo ay iibsadeen. Waxana hubaal ah in loo baahnaa in lacagtaa lagu meelmariyo baahida badan ee shicibka reer Somaliland. Waxa yadana wax lala yaabo ah dowlad beeleedku cadaadiska ay kula kacdey maanta magaalada Borama mar ay masuuliyiin waxgaradii rabeen iney bandhigaan warbixin ku saabsan dambigey ka galeen SNM-tu dadka reer Adal. Waxeyna arintaasi muujisey cadaadiska dowlad beeleedku ku heyso Awdal iyo arinta Siilaanyo ee ah SNM-tuun ha la dhigto oo ha la dhageysto. Waxase muuqata hadii ay islahaayeen cabudhiya dadka reer Awdal State waxay arintaasi sii xoojisey taageerada dadku u hayaan arintooda ku aadan Awdal State. Waxayna islamarkaa abuurtay baraarujin ah iney Somaliland noqotay SNMland. Arintu si walba ha ahaato, Waxa hubaal ah in jawaabta warbixinta ah ee uu bixiyay Mudane Farxaan Aden Warsame ka dhawaaq dheertahay ta SNM ee malaayiinka doolar ee laga dhacay dadka reer Somaliland ee u baahan lagu bixiyay soo deynta taarikhda beenta ah ee SNM. Sida aan filayo waa lawada dhageystey murtida ay ku dheehantahay qiiradu ee uu mudane Farxaan ka dhawaajey. Ereyada runta ah ee Farxaan waxey ku dhaceen meeshii ku habooneyd waxeyna kicisay inay reer Adal taageero buuxda siiyaan Awdal State. Yada oo maalin walba taageerada Awdal State sare u kaceyso, aniguna bishaaraan u hayaa beelweynta reer Awdal State ee aan soo daayee indhihiina isiiya oo akhriya maalinta iman doonta dhawaan. Maalin baa iman doonta reer Awdal State danahooga gartaan oo arintoodu midowdo Maalibaa iman doonta reer Awdal State is xoreeyaan oo calankooda Adal laga taago. Maalin baa iman doonta la qiiroodo oo madaxweyne la dhaarsho oo dadka qaarkood sidii loogu ilmeeyay Obama qiiro loogu ilmeeyo. Maalin baa iman doonta Siiraanyo sare u eego calanka Awdal State. Maalin baa iman doonta SNM u sacabeyso calanka Awdal State Maalin baa iman doonta Dugsiiye amar kusiiyo SNM iney qasab ugu heesaan Calanka Awdal State. Maalin baa iman doonta reer Awdal State tirrig lagu raadsho. Maalin baa iman doonta dhalinta Awdal State dhoosha ay ka qoslaan. Maalin baa iman doonta Cibaado waa guul ayku heesto. Maalin baa iman doonta cuqaasha Awdal State nasasho ay u kacaan oo dhalinteeno horseedo. Maali baa iman doonta Borama laga daaro Hargeysa. Maalin baa iman doonta Somaliland ay dabjoogto Awdal State. Maalin baa iman doonta wasiirada gabigoodu noqdaan reer Awdal State. Maalin baa iman doonta xubnaha golaha baarlamaanku noqdaan reer Awdal State. Maalin baa iman doonta kii ka jeestay Awdal State qariyo wajigiisa. Maalinbaa iman doonta dhulbalaadhsiga lagu hayo Awdal State dhamaato oo nabad lagu seexdo. Maalin baa iman doonta dakadaha Awdal State dhismahooga la dhameeyo oo si rasmi ah loo isticmaalo. Maalin baa iman doonta madaaro loo sameeyo magaalooyinka Awdal State oo si rasmi ah looga dhoofo. Maalin baa iman doonta lagu hinaaso quruxda Awdal State oo loo sameeyo laamiyo la iskaga goosho. Maalin baa iman doonta ciidanka Awdal State laga waabto oo dadkeedu nabad ku seexdo. Maalin baa iman doonta marka uu madaxweynaha Awdal State imanaayo loo mushxaradeeyo oo dadku dariiqa tumaan oo lagusoo dhaweeyo durmaan. Maalin baa iman doonta aanku noolaano astaantii Adal lagu yaqaaney oon qofna loo xidheyn hadalka afka uu ka yidhaahdo oo xoriyatul qowlku adkaani. Maalin baa iman doonta huuno la isku salaamo oo loo ciyaaro Awdal State. Maalin baa iman doonta dhagaheenu ka raystaan SNM maqalkeeda. Maalin baa iman doonta xeebaheena aduunka looga yimaado. Maalin baa iman doonta dhalinteenu Sacaadudiin isku aroosto. Maalin baa iman doonta iney qurba joogu u guuraan Awdal State Maalin baa iman doonta dhamaanteen ku noolaano Awdal State. Waa bishaaree iga gudooma oo ogaada inay dhawaan iman doonto maalintaasi. Mahadna iga gudooma hadii aad tihiin dhalinta u toostay Awdal State ee diiday xaqdarada dhiig miiradka SNM ee Siiraanyo u sareeyo. Suleiman A. Dugsiye Ottawa
|
![]() |
![]() |
![]() |
|
![]() |
![]() |