Contact us

warsanmag.com -- (Warsan iyo Weedhsan)

About us

Hoteelka Afris ee Walaalaha

National Capital Freenet Ottawa

Siiraanyo oo qandaraas u fidiyay Maskax-laawe, Matashade iyo Meel xun-jooge

Salaanta guud wixii ka dambeeya, Sida cadaaneysa maalinba maalinta ka dambeysa, gooni iskutaagii SNM ee dadka beenta u sheegay gabagabuu ku jiraa. Beentii soo dhamaatey gabalna u dhac boqortooyadii Siiraanyo ee silooneyd. Daba dhilifkii u basaasayay ee dhowrka boqol ugu adeegayayna soo dhamaad baa u bilaamey. Xukunka heehaabaya ee SNM cidiyaha ayay ku raadineysaa cid maanta u adeegta ka dib markey albaabadii dhinac walba ka xidhmeen. Darmadii amma saligii Somaliland-na cidhifyada lagasoo laabey oo calamo buluuga laga taagey.

Waxeyse u egtahay sida wararku sheegayaan inuu damaan u kacey kooxdii maxaan-cunaa ee lagu adeegsan jirey ee Gadabuursi. Waa kooxdii damiir-laawe, margi-yaxun, minii-manaa, maalaa-yacni, maskax laawe, mata-shade, meel-xunjooge, qeyrkii-kahadhe, shisheeye-kalkaal ee ku caam baxdey doqoniimo iyo dadkooda Gadabuursi oo shilimaad ay ku iibsadaan.

Wax badan lagama fileyn koleyba ee hadana waa nasiib daro ay muujinayaan meelxun joogayaan qalbigoodii qalaley oo damiirkooda xisdiga iyo doqoniimadu buuxisey yaga oon taariikhdana ka xishooneyn.

Sida maanta runtu tahay khariidadii woqooyiga Soomaaliya ee magaca loola baxey way badilantey. Waa isbadalkii uu Siiraanyo sheegey oo amuurihii sidii lagu talagalay way ka badilmeen. Amuuri waata Illaahe sidan bay ku dambeysey khariidadii woqooyiga Soomaaliya ee riyada beentii u badishey Somaliland. Bal akhristow ila eeg;

  • Awdal State waa gobolada galbeed
  • Khaatumo State waa gobolada bari
  • Naaso hablood waa gobolada dhexe

Taas macnaheedu waxa weeyi Somaliland wey dhamaatey. Awdal State way taabo qaadey, Khaatumana weysoo raacdey, Somalilandna wey qayirantey oo Naaso-hablood land bey ku dambeysay. Somali-weyna soo dhawaatey oo daladeedu ku dambeyni dowlad fadaraal ah oo dowlad goboleedyaduna hoos hadhsadaan. Runtu runteedey tagi oo khayaali wuu dhamaan dhawaan hadii Eebe idmo.

Siilaanyo dowladiisa dhicisowdey ayaa hada bilowday dadaal bal iney badbaadin karaan riyadoodii. Arintaasi waxey kicisey damaankii calooshood u shaqeystayaasha gaar ahaan kuwii gadabuursi ee gamcaha hoos heystay SNM-ta. Waxa sheekada suuqii sheegeysaa yada oon hore marnaba loogu darin iney ka qeyb noqdaan wufuud dibada u baxda ayaa hada lagu talo jiraa iney qaar ka mid ah raaciyaan wufuuda uga qeyb qaadaneysa shirka ka dhacaya London (England) ee dowlada Ingiriisku qabanqaabisey ee lagaga wada hadli doono sidii xal loogu heli lahaa amuuraha laaqan ee Soomaaliyeed. Warka qaarkoodna waxey sheegayaan iney wufuuda 80% noqdaan matashadihii meelxun joogaha ahaa ee ay ku shaqeysanayeen. Waakuwa kor ku yaala sawirkoodu.

Ujeedada ka dambeysa ayaa ah iney SNM-tu wufuudaha dowliga ah tusaan waji tilmaamaya iney Somaliland-ta Siiraanyo tahay dowlad ay ku jiraan beelaha kale ee dagan woqooyiga Somalia. Waxase hubaal ah iney Awdal State iyo Khaatumo State diyaar u yihiin iney runta jirta shaaca ka qaadaan oo waliba aduun weynaha Awdal State u muujiso iney dimuqraadiyada Somaliland tahay hab ku saleysan dadqalato gowracda dadka masaakiinta ah oo ay iskaga mid tahay labada kalmadood ee Dimuqraadiyad iyo Dadqalato.

Mukulaasha oo aragtay midho cusub ayaa ukala badinaya sidii loo siin lahaa qandaraaska ay ku fulinayaan damiir xumidooda ay ku iibsanayaan mustaqbalka caruurtooda iyo masiirka umadooda. Waxana hubaal ah ineyna Awdal State u baahneyn kuwan magacdooda la yidhaahdo;

Margi-yaxun, maxaan-cuni, damiir-laawe, doqon diidey dadkiisa, maalaayacni, lagu-shaqeyste, maskax-laawe, matashade, meelxun-jooge, xaasid dadkiisa hore u marka u diida, darbaal u tumaaya shisheeye durmaanka oo naftiisuun yaqaana. Awdal State diyaar bey u tahay iney muujiyaan dulumka SNM-ta iyo xasuuqey u geysteen dadka gobolada galbeed iyo bari oo ilaa hada socota la hordhigana cadeymihii 20 sanadood la ururinayay.

Waxase hubaal ah maanka beele maanta looma baahna.Ma tashade macne male. Meel xun jooge ha maqnaado. Miisaan male, tayo male oo marnaba arinteena wax ka tari maayo ee meelihiisa waa tolkeeni ha meermeero oo Siiraanyo ha hoos joogo. SNM-ta ha u shaqeeyo. Tirsan meyno ee midhihiisa haka mirto maqaaxida SNM-ta.

Iskusoo wada xoori;

Murtidu waa hadalkii ay dumarkeenu u direen mukulaasha ee sawirkan hoosta guji waa quruxdii caruurteenee oo dhageyso heesta murtideeda..

Suleyman Dugsiye